“Waxaan Doonayay Inaan Sii Joogo, Lacagna Ma Doonayn, Waan Ogolaaday
Sergio Ramos ayaa taageereyaasha u caddeeyey in aanu marnaba doonayn inuu ka tago kooxda, isla markaana uu go’aansaday inuu ogolaado dalabkii kooxda ee ahaa inuu u cusboonaysiiyo heshiiska isagoo ka tanaasulay wax kasta oo Florentino Perez uu ku xidhay, laakiin ugu dambayntii lagu qasbay inuu iska tago.Ramos ayaa shir jaraa’id qabtay maanta, waxaana warbaahintu wax ka weydiisay sababta dhabta ah ee uu uga tegayo kooxda uu 16ka sannadood usoo ciyaarayay, isagoo ka dooranaya cimri-dherer qandaraas iyo lacago malaayiin ah oo…