Holland Oo Noqotay Waddankii Saddexaad Ee U Gudbay 16ka, Dalkii Dunida
Xulka qaranka Netherlands ayaa noqday waddankii saddexaad ee u gudba wareegga 16ka tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, kaddib markii ay 2-0 kaga badiyeen Austria.Holland ayaa ka hadhay oo aan kasoo qayb-gelin labadii tartan ee waaweynaa ee u dambeeyey ee Koobka Adduunka 2018 iyo Euro 2016, waxayse lasoo baxday dardar iyo awood ay sannadkan ku muquunisay labadii xul ee ay lasoo ciyaareen illaa hadda, taas oo u xaqiijisay inay iska xaadiriyaan wareegga 16ka oo ay hore ugu gudbeen Talyaaniga iyo Belgium.Daqiiqaddii 11aad ee…