Thomas Partey Oo Dalbaday In Arsenal Ka Beddesho Lambarka Uu Xidho –
Laacibka khadka dhexe uga ciyaara Arsenal ee Thomas Partey ayaa dalbaday in laga beddelo lambarka uu u xidho kooxdiisa, sannad kaddib markii uu uga soo wareegay Atletico Madrid.Arsenal ayaa 28 jirkan kasoo bixisay lacag gaadhaysa £45 milyan oo Gini oo ahayd lacagtii lagu burburinayay qandaraaskiisa, waxaanu soo gaadhay Emirates bishii October ee sannadkii hore.Laacibkan ayaa yimid Arsenal iyadoo rajo badan laga leeyahay, dadkuna barbar-dhigayaan Patrick Vieira, laakiin ifafaale weyn lagama arag xilli ciyaareedka dhamaaday,…