RASMI: Xiddigii Sannadka Ee Arsenal Oo Lagu Dhawaaqay Iyo Laacibka Ku
Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa shaacisay xiddigii ugu wanaagsanaa kooxdeeda xilli ciyaareedkii tegay, waxaana ku guuleystay 19 jir wacdaro ka dhigay garoomada oo ka bandhig sarreeyey ciyaaryahannadii kale ee waaweynaa.
Bukayo Saka ayay u ahayd toddobaad farxadeed sababtoo ah, waxa uu markii ugu horreysay u saftay xulka qaranka England oo uu waliba u dhaliyey goolkii madiga ahaa ee ay kaga badiyeen Austria oo ay ciyaar saaxiibtinimo ku kulmeen, taas oo ay iskugu diyaarinayeen tartanka qaramada Yurub.
Da’yarkan oo qayb ka ah xulka qaranka England ee ka qayb-geli doona tartanka Euro 2020, ayaa ku guuleystay ciyaartoygii ugu wanaagsanaa Arsenal xilli ciyaareedkii hore, laakiin waxa lagu garaacay goolkii sannadka.
Isla maalintii ay Arsenal xiddignimada sannadka guddoonsiisay Saka, maamulka Premier League ayaa iyaguna u magacaabay da’yarkii ugu wanaagsanaa horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii tegay ee 2020/21.
Premier League ayaa Jimcihii shaaciyey, in Bukayo Saka uu ahaa xiddigii ugu wanaagsanaa da’yarta, balse waxa uu ka mid noqon waayey kooxdii sannadka oo ay ka xoogsadeen ciyaartooyo ka tirsan afarta kooxood ee Man City, Man United, Tottenham iyo Liverpool.
Xiddiga sannadka ee Arsenal oo ay u codeeyaann taageereyaashu, waxa loo doortay Saka oo helay 51 boqolkiiba codadkii jamaahiirta, waxaana kaalinta labaad soo galay Nicolas Pepe oo 15 boqolkiiba ka helay codadka.
Dhinaca kale, goolkii ugu qurux badnaa Arsenal ayaa waxa dhaliyey Nicolas Pepe.