Joel Glazer Oo Qasnaddiisa U Jabinaya Saxeexyada Xiddigo Waaweyn Oo
Manchester United ayaa la gelinayaa lacag badan oo dib u dhis ballaadhan loogu samaynayo, sida uu ballan-qaaday guddoomiyaha kooxdaas ee Joel Glazer oo xaqiijiyey in qoyskoodu ay qasnaddooda u furayaan sidii ay kooxda dib u dhis ugu samayn lahaayeen.
Joel Glazer oo gellinkii dambe ee Jimcihii shalay ka qayb-gelayay Guddi ay wada-jir u sameeyeen kooxda iyo taageereyaasha, kaas oo talooyinka muhiimka ah ee kooxda go’aan ka gaadhi doona, ayaa waxa uu caddeeyey in ay diyaarinayaan lacag malaayiin Gini ah oo gacanta laga gelin doono tababare Ole Gunnar Solskjaer, si uu suuqa ula galo oo uu ugu soo iibsado ciyaartooyo.
Fooramka kooxda iyo taageereyaasha oo go’aamada muhiimka ah gacanta lagaga qayb-gelinayo taageereyaasha, laguna dejinayo mudaharaadyadii jamaahiirta ee ka dhashay tartanka Super League ayaa loogu magac-daray ‘Fan Advisory Board’, waxaanu Joel Glazer xaqiijiyey in iyaga la’aantood aanay wax tallaabo ah qaadi doonin.
Glazer oo ka hadlayay daahfurka fooramkan ayaa tibaaxay in hadafkoodu uu yahay sidii ay kooxdu ugu guuleysan lahayd koobab joogto ah, laakiin ay samaynayaan maalgelin si ay ula soo wareegi karaan ciyaartooyda uu tababaruhu u baahan yahay ee ka caawin karaya in ay koobabka ku tartami karaan.
“Mar walba waxa aanu doonaynaa in kooxdani noqoto mid guuleysata oo hanata koobab. Si koobabka loogu tartamana, waxa loo baahan yahay maal-gelin.” Ayuu yidhi Joel Glazer.
Waxa kale oo uu Joel Glazer tibaaxay in Old Trafford ay dibu-dhis ku samayn doonaan, waxaanu yidhi: “Old Trafford waa qalbiga Manchester United, waxaananu tobankii sannadood ee ugu dambeeyey ku kharash-garaynay £100 milyan oo Gini, haddana waxa aanu dardar gelinaynaa qorshaha in aanu ku samayno maalgelin muhiim ah iyo in aanu ballaadhino garoonka.”