Manchester United Oo Qarka U Saaran Saxeexa Raphael Varane Xilli

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa wada-hadallo meel fiican maraya kula jirta difaaca Real Madrid ee Raphael Varane, kuwaas oo la filayo inay midho-dhal noqdaan oo lasoo gabogabeeyo xagaagan.

Difaaca reer France oo qandaraaskiisa Real Madrid ku egyahay 12 bilood kaddib ayaa iska diiday dalab heshiis cusub oo laba sannadood ah iyo sannad saddexaad oo dookh siinayay kooxda oo ay Los Blancos u bandhigtay, taas oo ka dhigan inuu mar horeba go’aansaday inuu iskaga tago Santiago Bernabeu.

Sida uu qoray wargeyska Daily Mirror, Varane kuma faraxsana Real Madrid waxaanu diyaar u yahay inuu iskaga tago isagoo wada-hadalladan uu la furay Manchester  United ay ka dhigan yihiin inuu qaadanayo maalmihiihii ee uu kusii jiro liiska ciyaartoyda Real.

Waqtiga ay Real Madrid heshiiska muddo kordhinta ah u bandhigtay Varane ayaa la sheegay inuu ka horreeyey intii aanay la hadal Luka Modric iyo Lucas Vazquez oo qandaraasyo cusub saxeexay, halka Sergio Ramos oo isagana xilligaas lala hadlay aanay waxba ka hirgelin oo ugu dambayntii uu ka tegay kooxda.

Wargeyska Marca ee ah kan ugu weyn ee kasoo baxa Spain ayaa sheegay in Real Madrid ay diyaar u tahay in Varane ay ku iibiso 60 milyan oo Euro, iyadoo raadinaysa lacagtii ay kusoo iibsan lahayd Kylian Mbappe ama Erling Haaland.

Madaxweyne Florentino Perez ayaa ku kalsoon in Real Madrid ay sii socon karto iyadoo ay ka maqan yihiin Varane iyo Ramos, isla markaana ay difaaca dhexe ugu filan yihiin David Alaba oo dhowaan yimid, Eder Militao, Nacho Fernandez iyo Jesus Vallejo oo kasoo laabanaya amaah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More