Waa Kuwan SHANTA Daafac Dhexe Ee Ay Barcelona Doonayso Inay Mid Ahaan
Madaxweyne Joan Laporta iyo guud ahaan maamulka Barcelona ayaa ahaa kuwo ilaa hadda aad ugu mashquulsan suuqa xagaaga, Sergio Aguero, Eric Garcia iyo Emerson Royal ayay durba la wareegeen.Sida uu hadda sheegayo wargeyska Mundo Deportivo, diirada Laporta ayaa markale qabsatay saxeexa daafac dhexe walow ay Garcia oo daafac dhexe ah la wareegeen dhawaan.Barcelona ayaa doonaysa saxeexa daafac dhexe maadaama oo ay u badantahay in Samuel Umtiti uu kooxda ka tagayo, ciyaaryahanka ku haboon ayaa noqon kara mid qiime ahaan macquul ah…