Waa Kuma Xiddiga Aan Ahayn Jadon Sancho Ee U Sheegay Ciyaaryahanadda

Kooxda Manchester United ayaa doonaysa inay suuqa xagaaga sanadkan la saxeexato daafaca midig ee Atletico Madrid ee Kieran Trippier, wararka cusub ayaa sheegaya in xiisuhu labada dhinacba yahay oo ciyaaryahanka qudhiisu doonayo kooxdaas.

Sida ay sheegayaan xogo cusubi, Trippier ayaa xiddigaha xulkiisa England ee ay isku wada diyaarinayaan Euro u sheegay inuu doonayo ku biirida Man United.

30 sano jirkaas daafaca midig ah ayuu heshiiskiisa Atletico Madrid yahay mid ay laba sano oo kale ka hadheen balse xiisaynaya inuu dib ugu laabto horyaalka Premier League.

United ayaa ahayd koox mudo dheer doonaysay saxeexa Kieran, waxa ay soo xero-galintiisa isku dayeen bishii January balse wakhtigaas ayaa xiddiga lagu ganaaxay inuu jabiyay sharciyada sharad uu galay.

Wargeyska Daily Mirror ayaa hadda xusaya in Trippier uu mid kamida xiddigaha ay xulka lagu naanayso saddexda libaax u sheegay inuu doonayo ku biirida Manchester.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonaya inuu tartan geliyo daafaciisa midig ee Aaron Wan-Bissaka kaas oo ay wararka qaar sheegayaan inuu daafaca dhexe kooxda uga ciyaari karo xilli ciyaareedka dambe.

In la helo Trippier ayaa adkaan karta maadaama oo ay Atleti qiimo 15 ilaa 20 Milyan oo pound ah ku dalban karto iibkiisa.

Kooxda kusoo guuleysatay horyaalka La Liga ayaan doonayn inay Trippier weydo xilli uu muhiim usoo ahaa inay ku guuleystaan horyaalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More