RASMI: Waqtiga Uu Bilaabmayo Horyaalka Spain Oo La Shaaciyey
Waqtiga uu bilaabmi doono horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ayaa la shaaciyey, iyadoo lasoo afjaray toddobaadyo khilaaf ah oo la isku maan-dhaafsanaa xilliga ay tahay inuu bilaabmo xilli ciyaareedak 2021/22.Maamulka horyaalka LaLiga iyo xidhiidhka kubadda cagta Spain ayaa isku khilaafsanaa waqtiga uu bilaabmayo xilli cyaareedku, waxaana soo dhex-galay arrinta uu go’aan kama dambays ah ka gaadhay Golaha Isboortiga Spain ee magaciisa loosoo gaabiyo CSD oo cayimay maalinta ay kulmaada ugu horreeyaa dhici doonaan.Xidhiidhka…