Seefta Joan Laporta Oo Galka Laga Saaray, Masuul Magac Leh Oo La

Madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta ayaa galka seefta ka saaray, waxaanu ku dhex-dhacay maamulka kooxda oo uu ka caydhiyey agaasimihii ciyaaraha, xilli uu ku hawlan yahay inuu isbeddel dib u qaabayn ku sameeyo kooxda.

Guillermo Amor oo Barcelona ka ahaa agaasimaha ciyaaraha tan iyo sannadkii 2017 ayaa Jimcihii laga caydhiyey shaqada, iyadoo uu Laporta ku wargeliyey in dibu-habayn uu ku samaynayo qaybta farsamada ee Camp Nou.

Amor oo afartii sannadood ee ugu dambeeyey ahaa agaasimaha hay’adaha iyo xidhiidhka ciyaaraha ee kooxda, ayaa hore ula soo shaqeeyey Joan Laporta waqtigii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa naadigan.

Amor oo hore ciyaartoy uga soo ahaa Barcelona ayaa u saftay 421 kulan, waxaana uu kula guuleystay Champions League, shan horyaalka LaLiga ah, laba UEFA Super Cup, saddex Copa del Rey iyo afar Spanish Super Cup ah.

Joan Laporta oo dhowaan loo doortay madaxweynaha Barcelona oo uu beddelay Bartomeu oo dacwado lagu soo oogey, kaddibna iscasilay ayaa waxa uu hore u ballan-qaaday inuu dibu-dhis ku samayn doono naadiga, sidoo kalena uu keeni doono ciyaartooyo.

Saddexda ciyaartoy ee Eric Garcia, Sergio Aguero iyo Emerson ayay Barcelona lasoo saxeexatay toddobaadyadii u dambeeyey ee uu suuqu furnaa, waxaanay labada hore ku yimaaddeen qaab bilaash ah.

Caydhinta Amor ayaa la tuhunsan yahay, in Laporta uu u aanaynayo lacagtii badnayd ee suuqa ay gelisay kooxdu sannadihii ugu dambeeyey ee uu agaasimaha ciyaaraha ahaa, iyadoo xiddigihii ay lasoo saxeexdeen ay intooda badan noqdeen fashil.

Ciyaaryahanadda waqtigii Amor joogay ay Barcelona lasoo saxeexatay ayaa waxa ka mid ah, Philippe Coutinho oo 142 milyan oo Gini ay kasoo bixiyeen, Antoine Griezmann oo 120 milyan oo Euro ku yimid iyo Ousame Dembele oo isaguna aan waxba ka hoosaynin, halka Pjanic oo hawlgab ah uu ku kacay lacag ku dhow 50 milyan oo Gini xagaagii hore.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More