Mendy, Sterling, Mahrez, Laporte – Xiddigaha Ka Tegaya Man City Oo

Manchester City ayaa suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan qayb weyn ku yeelanaysa, waxaana bilowgiiba ay noqotay kooxda ugu hadal-haynta badan markii ay albaabka si bilaash ah ugaga baxeen Sergio Aguero iyo Eric Garcia.

Pep Guardiola ayaa la filayaa inuu dib u cusboonaysiiyo kooxdiisa oo uu kusoo kordhiyo ciyaartooyo kale, gaar ahaan afarka hore ee weerarka oo bartilmaameed ay u yihiin Harry Kane ama Erling Haaland, laakiin dhinaca kale, waxa uu fasaxayaa laacibiinta uu saluugsan yahay bandhiggooda.

Wargeyska MEN ee kasoo baxa magaalada Manchester ayaa magacaabay dhawr ciyaartoy oo lala xidhiidhinayo inay ka tegayaan Man City xagaagan, waxaana ugu horreeya Ilkay Gundogan oo Barcelona lala xidhiidhinayo, Raheem Sterling, Bernardo Silva, Riyad Mahrez iyo Aymeric Laporta.

Ciyaartoydan ayuu wargeysku sheegay inay suurtogal tahay, in qaarkood ka tagaan Etihad Stadium inta uu furan yahay suuqa iibka ciyaartoyda, halka ugu badan ee la hadal hayo inay tegayaana waa horyaalka waddanka Spain ee LaLiga.

Gundogan ayaa laga soo xigtay in uu sheegay, in uu sugayo in dalab uu ka helo Barcelona ka hor inta aanu go’aan rasmi ah ka gaadhin mustaqbalkiisa City.

Sidoo kale, Gabriel Jesus oo xilli ciyaareedkii hore in badan oo ka mid ah ku qaatay kaydka ayay wargeysyada Talyaanigu qorayaan in ay doonayso Juventus si uu ugu beddelo Cristiano Ronaldo.

Waxa kale oo ay xaaladi ka taagan tahay Fernandinho oo uu dhamaaday heshiiskiisu, walina aan la isla meel dhigin qandaraas cusub, taas oo ka dhigan in haddii inta ka hadhay bishan June loo bandhigi waayo heshiis cusub, in uu ka bixi doono Etihad Stadium.

Si kastaba, wargeyska MEN, ayaa sheegay in ciyaartoyga ay u badan tahay inuu ka tago Man City uu yahay Benjamin Mendy oo xilli ciyaareedkiisii ugu dmabeeyey dhaawacyo dishoodeen, marar badan oo kalena kaydkaku jiray.

Laacibkan ayay hoos u dhacday baahidii ay kooxdiisu u qabtay, iyadoo difaaca bidix ay laba ciyaartoy oo kale ku haysato City.

Wararka qaar ayaa sheegaya, in Man City ay qorshaynayso, in Benjamin Mendy ay u bandhigto Tottenham si uu qayb uga noqdo heshiiska Harry Kane.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More