Manchester United Oo Diyaarisay Lambarrada Ay Xidhanayaan Raphael
Manchester United ayaa si xooggan u gelaysa suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga, waxaana ay qorshaynaysaa in ay lasoo saxeexato laba illaa saddex ciyaartoy oo isbeddel ku samayn kara safka kooxda, sarena usoo qaada awooddooda, si ay usoo yareeyaan farqiga u dhexeeyey Manchester City xilli ciyaareedkii dhowaanta dhamaaday.Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo ay kooxdiisu kaalinta labaad kaga dhamaysatay horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkii hore, sidoo kalena ay finalka Europa League kaga qaadday Villarreal, waxa uu suuqa…