RASMI: Xidhiidhka FA Oo Doortay Guddoomiye Cusub
Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa si rasmi ah u shaaciyey, in guddoomiyahooda cusub ay noqonayso Debbie Hewitt, taas oo taariikhda kubadda cagta Ingiriiska geli doonta iyadoo noqonaysa gabadhii ugu horreysay ee madax ka noqota FA.Laga bilaabo January 2022, Hewitt ayaa noqon doonta guddoomiyihii ugu horreeyey ee dumar ah ee xidhiidhka FA, waxaanay beddeli doontaa Greg Clarke oo sannadkii hore ee 2020 ku dhawaaqay inuu shaqada iska casilay.Peter McCormick ayaa si ku-meelgaadh ah usii hayay xilka guddoomiyaha FA,…