RIKOODH: Ronaldo Oo AFAR Rikoodh Jabiyey CAAWA & Taariikhda Gaarka Ah
Cristiano Ronaldo ayay u ahayd habeen farxadeed oo uu dalkiisa guul ku hoggaamiyey, sidoo kalena uu jabiyey rikoodho taariikhi ah.Xiddigan reer Portugal ayaa laba gool saxeexay ciyaartii uu dalkiisu 3-0 kaga badiyey Hungry, iyadoo lagu ciyaarayay magaalada Budapest ee caasimadda Hungry, halkaas oo uu kala soo laabtay saddex rikoodh iyo dalkiisa oo isaguna guusha ku darsaday rikoodh cajiib ahaa.Cristiano Ronaldo ayaa noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee ka qayb-galay shan jeer tartanka qaramada Yurub ee Euro, mana dhicin…