Xiddig Weyn Oo Chelsea Ka Tirsan Oo Heshiis U Saxeexay Koox Kale &

Chelsea ayaa isku diyaarinaysa sagootinta mid ka mid ah xiddigaheeda waaweyn oo heshiis la gaadhay koox kale, isla markaana ka tegaya Stamford Bridge inta uu furan yahay suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan.

Weeraryahanka reer France ee Olivier Giroud ayaa heshiis la gaadhay AC Milan, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Talyaaniga, waxaana uu laacibkani soo gunaanadayaa waayihiisa Premier League oo uu kusoo qaatay kooxaha reer London ee Arsenal iyo Chelsea.

34 jirkan ayaa heshiiskiisii uu kula jiray Chelsea uu ku ekaa dhamaadka bishan, laakiin kooxda ayaa dhowaan xaqiijisay inay dhaqal-gelisay qodob ku jiray heshiiskii hore oo siinayay in ay sannad kale oo doorasho ah ay cusboonaysiin karto.

Sida ay sheegtay warbaahinta Sky Italia, Olivier Giroud ayaa heshiis laba sannadood ah la gaadhay AC Milan, waxaanu sannadkiiba qaadan doonaa lacag gaadhaysa 3.5 milyan oo Euro oo mushahar ah.

Warka ayaa intaa ku daray, in wali aanay labada kooxood gaadhin wax heshiis ah oo ay kula kala wareegayaan laacibkan, hase yeeshee Giroud ayaa rajaynaya in Blues ay u ogolaan doonto inuu ku tago si xor ah iyadoo aan waxba ku xidhin.

Sky Italiya waxa kale oo ay intaa ku dartay, in AC Milan ay kala xaajoonayso Chelsea iibka Hakim Ziyech iyo Tiemoue Bakayoko.

Bakayoko ayay Chelsea £40 milyan oo Gini kasoo bixisay sannadkii 2017kii, waxaana markii uu saldhigi waayey kooxda lagu diray amaah uu ku maqnaa saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey, waxaana uu xilli ciyaareedkii tegay ka mid ahaa kooxda Napoli.

Xiddiga reer Morocco ee Ziyech ayaa isaguna 12 bilood ka hor ay Chelsea kasoo iibsatay Ajax, balse waxa uu galay kaydka.

AC Milan ayaa doonaysa in Ziyech uu u noqdo beddelka Hakan Calhanoglu oo si xor ah ugu wareegay Inter Milan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More