Bye…Bye: Kylian Mbappe Oo U Sheegay PSG Inuu Ka Tegayo & Kooxda Uu

Weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe ayaa u sheegay kooxdiisa PSG inuu ka tegayo marka uu soo dhamaado tartanka qaramada Yurub ee Euro ee uu dalkiisa kala qayb-gelayo, isla markaana uu waayihiisa ciyaareed u wareejinayo horyaal kale.

22 jirkan iyo kooxdiisa PSG ayaan wali gaadhin heshiis cusub, waxaana muuqata in kooxda reer France ay ku guul-darraysatay inay xiddigeedan ku qanciso inuu qandaraas cusub saxeexo oo uu sii joogo Parc des Frances.

Kylian Mbappe oo heshiiskiisa PSG ay ka hadhsan yihiin 12 bilood oo kaliya ayaa la sheegay inuu go’aankiisa ku wargeliyey kooxdiisa, isla markaana uu u sheegay inuu ka tegayo, taas oo qasab ka dhigaysa in la iibiyo xagaagan, haddii kalena uu si bilaash ah kaga tegi doono sannad kaddib.

Sida uu sheegay wariyaha caanka ah ee Daniel Riolo, Mbappe ayaa ka codsaday kooxdiisa in la iibiyo xagaagan, isagoo u xaqiijiyey go’aankiisa ah in aanu heshiis cusub saxeexi doonin.

Daniel Riolo oo ka hadlayay barnaamijka After Foot ee ka baxa warbaahinta RMC, ayaa yidhi: “Waxa aan ogahay in Mbappe uu weydiistay inuu tago, balse way adag tahay sababtoo marka hore waa in aad haysata lacagta ay siinayso. Wararkii ugu dambeeyey se waxay muujinayaan in dhab ahaantii aanu doonayn inuu sii joogo.

“Haddii aanu tegin xagaagan, waxa uu noqon doonaa xor xagaaga dambe, taasina waa sababta aanay Doha u doonayn in ay maqasho isaga oo hadlaya.”

Wariyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Haddii Mbappe uu caddeeyo in damaciisu yahay teitaan, taasi waxay ka dhigan tahay in uu helay koox, PSG na waa in ay u dhaqaaqdo sidii ay ku heli lahayd beddelkiisa. Haa, warkuna wuxuu yahay in Mbappe aanu doonayn inuu sii joogo PSG.”

Warkan ayaa soo baxaya laba toddobaad kaddib markii uu Madaxweynaha PSG ee Nasser Al Khelaifi sheegay in Mbappe aanu waligii ka tegi doonin kooxda, isagoo yidhi: “Waa in aan caddeeyo: Kylian wuxuu joogayaa Paris, waligayo ma iibinayno, waligiina si xor ah kuma tegayo.”

Si kastaba, kooxda reer Spain ee Real Madrid ayaa ah naadiga calaamadsan ee lala xidhiidhinayo Kylian Mbappe, waxaanu yahay bartilmaameedka madaxweyne Florentino Perez ee suuqa xagaagan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More