Isku-aadka Wareegga 16ka Euro: England vs France/Portugal/Germany –
Isku-aadka rasmiga ah ee wareegga 16ka tartanka Euro ayaa soo bixi doona caawa, marka ay soo dhamaadaan kulamada Group-yada E iyo F, halkaas oo ay horeba uga soo gudbeen France iyo Sweden laakiin laga filayo inay kasoo baxaan afar waddan oo kale oo soo raaca 12ka dal ee illaa hadda iska xaadiriyey wareegga xiga.
Ka hor inta aan la gaadhin isku-aadka rasmiga ah, waxa lasii ogyahay waddamada isku-aaday wareegga xiga qaarkood, halka kuwo kalena ay kaliya muuqato in labadooda Group ay isku dhici doonaan.
Ingiriiska ayaa af Libaax galay kaddib markii ay kaalinta koowaad kaga soo baxeen Group D, waxaana nasiibkoodu ku beegay kooxaha kasoo Baxa ‘Group-ka dhimashada’ ee France, Portugal, Germany iyo Hungry.
England ayaa wareegga xiga waxay ku beegmi doonaa waddanka kaalinta labaad kaga soo baxa hormada ay ku midaysan yihiin France, Portugal iyo Germany, kuwaas oo illaa hadda la ogyahay in France oo haysta afar dhibcood uu kasoo gudbay.
Group-kan ayay suurtogal tahay inay saddex dal kasoo baxaan, iyadoo ay hubaal tahay in laba ay usoo gudbayaan wareegga 16ka. Faransiiska oo mar horeba xaqiiqsaday booskiisa wareegga xiga ayaa la kulmaya Portugal, waxaana haddii laga badiyo ay ku dhamaysan doonaan kaalinta saddexaad, waxaanay ka dambayn doonaan Portugal oo guushaasi siin karto kaalinta labaad, iyadoo koowaadna ay geli karaan xulka Germany oo la ciyaaraya Hungary waase haddii ay guuleystaan. Haddii sidani dhacdo, England ayaa la ciyaari doonta Portugal wareegga 16ka.
Haddii ciyaarta France iyo Portugal ay ku dhamaato barbarro, sidoo kalena uu Germany soo garaaco Hungary, waxa kaalinta koowaad geli doona Jarmalka, labaadna France iyo saddexaad oo Portugal kusoo gudbi doono. Haddii sidan kusoo dhamaadaan ciyaaraha hormadan, waxa wareegga 16ka ciyaari doona England iyo France.
Xaaladda saddexaad ee dhici kartaa ayaa waxay tahay, in haddii kulamada Group D ay barbarro kusoo dhamaadaan, in ay soo wada gudbayaan France oo koowaad noqonaya, Germany oo labaad ah iyo Portugal oo saddexaad ku dhamaysanaya. Haddii natiijooyinku ay sidan noqdaan, wareegga 16ka waxa wada ciyaarii doona England iyo Germany.
Si kastaba, isku-aadka rasmiga ah halkan ayaad kala socon doontaan isla marka ay dhamaadaan kulamada caawa ee Group-yada E & F.
Waddamada illaa hadda usoo gudbay wareegga 16ka:
Group A: Italy (1aad), Wales (2aad), Switzerland (3aad)
Group C: Netherlands (1aad), Austria (2aad)
Group D: England (1aad), Croatia (2aad), Czech Republic (3aad)