Afartii Ciyaartoy Ee Faransiiska Ahaa Ee Ceeboobay, Xiddigii Garoonka
Faransiiska ayaa barbarro 1-1 ah waxa uu la galay Hungry, waana natiijo lama filaan ahayd marka la eego awoodda labada waddan.Faransiiska oo kaalinta koowaad kaga jira dalalka loo saadaalinayo inay koobka qaramada Yurub ee sannadkan ku guuleysanayaan ayaa bandhig fiican sameeyey waxayse iska lumiyeen fursado dahabi ah oo ay goolal ku dhalin karayeen.Hungry ayaa gool la hormartay daqiiqaddii 45+2 waxaana u dhaliyey Attila Fiola oo orod kaga dheereeyey Pavard, waxaanu kubadda si toos ah ugu toogtay goolka oo ay birta…