Qoor Qoor oo magacaabay 25 garsoore kana safray Dhuusamareeb…
Dhuusamareeb (Axadle) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa Dikreeto galabta ka soo baxday xafiiskiisa waxa uu ku magacaabay Garsoorayaal, kala fariisan doona maxkamadaha degmooyinka iyo deegaanada Galmudug.
Qoor Qoor ayaa magacaabidda garsoorayaashaan kadib waxa uu ka soo amba-baxay Dhuusamareeb, isagoo soo gaaray Caasimadda Muqdisho, si uu uga qeyb galo shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee berri loo asteeyey inuu ka furmo Muqdisho.
Garsoorayaasha uu madaxweyne Qoor Qoor magacaabay iyo degmooyinka uu u kala magacaabay ayaa kala ah:
Maxkamadda Sare ee Galmudug:
Mahdi Cabdullaahi Macalin Nuur- Garsoore
Cabdullahi Cabdiqani Sh Yuusuf- Garsoore
Maxamed C/llahi Ilbir- Garsoore
Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud:
Cabdullahi Axmed Cali -Gudomiye
Cabdiraxman Xasan Cali -Garsoore
Cabdirisaaq Cabdulle Xasan – Garsoore
Maxkamadda Gobolka Galgaduud:
Cismaan Cali Maxamed – Guddoomiye
Axmed Salaad Kulane – Garsoore
Cabdirisaaq Bashiir Sh. Ciise —Garsoore
Maxkamadda Racfaanka Gobolka Mudug:
Nuur Cali Culusow – Garsoore
Maxamuud Cabdi Cabdulle -Garsoore
Maxkamadda Gobolka Mudug:
Xuseen Aadan Axmed -Garsoore
Cabdullahi Cabdiraxmaan Maxamed – Garsoore
Maxkamadda Degmada Hobyo:
Shaafici Cali Aadan – Guddoomiye
Xirsi Maxamuud Xalane – Garsoore
Maxkamadda Degmada Guriceel:
Maxamuud Jimcaale Xalaned – Guddoomiye
Cabdirisaaq Diiriye Faarax -Garsoore
Maxkamadda Degmada Cadaado:
Cabdicasiis Ciise Cali – Guddoomiye
Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamuud -Garsoore
Maxkamadda Degmada Balanbal:
Xuseen Cabdullaahi Yuusuf – Guddoomiye
Axmed Aadan Cilmi – Garsoore
Maxkamadda Degmada Cabudwaq:
Yuusuf Cumar Maxamed – Guddoomiye
Ibrahim Yusuf Maxamuud – Garsoore
Maxkamadda Degmada Xeraale:
Shariif Ciise Maxamed – Guddoomiye
Cabdiqaadir Cabdullaahi Maxamed – Garsoore
Ugu dambeyntii wareegtadan waxaa lagu yiri, “Waxaa lafarayaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee Dowladda Galmudug, in ay la shaqeeyaan garsoorayaasha Cusub ee la Magacaabay, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo. Xeerkaan waxuu dhaqan gelayaa marka uu saxiixo Madaxwaynaha Dowladda Galmudug. Waa uuna saxiixay.”