Alessandro Nesta Oo Sharraxay Wixii Uu Messi Ku Sameeyey: “10
Halyeygii difaaca Talyaaniga iyo kooxda AC Milan ee Alessandro Nesta ayaa sharraxaad ka bixiyey wixii ku dhacay markii ay iska hor yimaaddeen Lionel Messi xilli ay labadooda kooxood ku kulmeen Champions League.Alessandro Nesta ayaa sheegay in toban daqiiqadood gudahood uu Lionel Messi u geystay burbur dhinaca maskaxda ah, isla markaana uu dareemay bahdil.Lionel Messi oo hormood u ah Barcelona iyo Alessandro Nesta oo difaaca u taagan AC Milan ayaa ku kulmay tartanka Champions League wareeggii Group-yada ee xilli ciyaareedkii…