Muxuu Toni Kroos U Sheegay Cristiano Ronaldo Kulankii Jarmalku
Toni Kroos iyo Cristiano Ronaldo ayaa isku gooni noqday iyagoo dhex-taagan garoonka Allianz Stadium ee magaalada Muncih markii ay soo dhamaatay ciyaartii Jarmalku 4-2 ku karbaashay Portugal, waxaanay isweydaarsadeen hadallo kooban iyadoo uu waliba xiddiga reer Portugal qarinayey afkiisa.Labadan ciyaartoy ayaa hore ugu soo wada ciyaaray Real Madrid oo ay kula guuleysteen saddex Champions League, LaLiga iyo koobab kale oo badan.Toni Kroos ayaa wax laga weydiiyey wixii ay isu sheegeen Cristiano Ronaldo iyo wixii uu isagu…