“Caawa Hurdadu Way Igu Adkaan Doontaa…” – Qoraalkii Uu Mbappe
Da’yarka garabka weerar ee xulka qaranka France ee Kylian Mbappe ayaa ka hadlay dareenkiisa kaddib markii uu xalay ku sababay xulkiisa inay si lama filaan ah gacmaha Switzerland ugaga hadhaan wareega 16-ka ee tartanka Euro.Mbappe ayuu rigoorihii shanaad ee ugu dambeeyay ka badbaadiyay goolhaye Yann Sommer kaas oo ku hoggaamiyay Switzerland inay booskooda wareega siddeeda balan kaga samaystaan dhigooda Spain.France ayaa hoggaanka ku qabtay 3-1 iyadoo 15 daqiiqo ka hadheen wakhtiga saxda ah ee ciyaarta ka dhacday magaalada…