Saddex Ka Mid Ah Xiddigaha Ugu Muhiimsan Xulka Germany Oo Halis Ugu
Tababaraha xulka qaranka Germany ee Joachim Low ayaa ka gaabsaday inuu xaqiijiyo, haddii ay taam yihiin saddex ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan qarankiisa oo dhaawacyo fudud qaba ka hor kulanka caawa ay garoonka Wembley kula ballansan yihiin England.
England iyo Germany oo uu ka dhexeeyo xafiiltan weyn ayaa isku beegmay wareegga 16ka tartanka Euro, waxaanay kala calaf-qaadi doonaan caawa oo midkood tartanka macasalaamayn doono midka kalena tartanka ka hadhi doono.
Laakiin xulka Germany ayaa waxa shaki ku jiraa inay u ciyaari doonaan saddex laacib oo muhiim ah oo dhaawacyo qaba, kuwaas tababare Joachim Low oo wax laga weydiiyey diiday inuu bixiyo xaqiiqo buuxda oo la xidhiidha inay ciyaartan dheeli doonaan.
Xiddiga khadka dhexe ee Ilkay Gundogan, garabka weerarka ee Robin Gosens iyo Antonio Rudiger ayaa qaba dhaawacyo, waxaanay labada dambe ba ka maqnaayeen tababarkii Isniintii shalay iyadoo la sheegay in aanay taam ahayn.
Ilkay Gundogan ayaa isagu la tababartay ciyaartoyda, balse haddana Low ayaa diiday inuu taageereyaasha u sheego inuu ciyaari doono laacibkani, isagoo yidhi: “Dhamaan saddexdoodaba waynu eegi doonaa sida ay usoo kabtaan, berri [maanta] ayaanan go’aan ka gaadhi doonaa.
“Waqtigan [xalay] ma sheegi karno. Waa in aanu sugno, caawana ma garanayo inay ciyaari doonaan berri.”
Xulka qaranka Germany ayaa qaab ciyaareedkooda saluug laga muujiyey wareeggii hore oo ay kaalinta labaad kaga soo baxeen Group F, waxaase uu tababare Low ku dooday in hadda aan la joogin waqtigaas.