Xiddig Ka Tirsan Xulka France Oo Ku Eedeeyey Didier Deschamps Inuu

Tababaraha xulka qaranka Faransiiska ee Didier Deschamps ayaa lagu eedeeyey in uu ciyaartoyda xulka ka mamnuucay inay dumarkooda la seexdaan intii ay ku jireen tartanka qaramada Yurub iyo xilliyadii ka horreeyey ee ay isku diyaarinayeen ba.

Faransiiska ayaa xalay ka hadhay tartanka Euro, waxaana rikoodheyaal 5-4 ah ku garaacday Switzerland oo marka horena barbarro soo laabasho ah samaysay iyadoo laba gool la dheeraa xilli toban daqiiqadood ka hadhsanayd dhamaadka ciyaarta.

Weeraryahanka Faransiiska ah ee Antoine Griezmann ayaa ku eedeeyey tababare Deschamps in uu u diiday in ciyaartoydu la seexdaan xaasaskooda, isagoo soo dejiyey shuruuc mamnuucaysa in xaasasku ay wada seexdaan.

Antoine Griezmann oo guursaday quruxleyda lagu magacaabo Erika Chperena oo u dhashay saddex carruur ah, ayaa shaaciyey in Deschamps uu u diiday inuu u dhowaado xaaskiisa.

Kaddib markii ay soo dhamaatay ciyaartii ay kaga hadheen tartanka Euro, Antoine Griezmann oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi: “Qofna ma taaban karno, xataa xubnaha qoyskayaga. Wax kalena lama samayn karo.”

Griezmann oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray: “Way ku adkayd qof walba, ciyaartoyda iyo shaqaalaha, laakiin qasab ayay noqotay in la aqbalo.”

Xubin ka tirsan shaqaalaha xulka qaranka oo aan magaciisa la sheegin, ayaa isaguna yidhi: “Inta  badan ciyaartoydu waxay ku jiraan da’da labaataneeyaha, dhamaantood waxa u hadhsay, waad ogtihiin…

“Ka dheeraanshaha dumarka ma abuuraysa cadaadis laakiin waa arrin laga wada hadlay. Sidoo kale se waxay noqonaysaa mid adag maadaama aanad awoodi karin in aad dhunkato ama aad daryeesho jacaylkaaga.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More