“Caawa Hurdadu Way Igu Adkaan Doontaa…” – Qoraalkii Uu Mbappe
Da’yarka garabka weerar ee xulka qaranka France ee Kylian Mbappe ayaa ka hadlay dareenkiisa kaddib markii uu xalay ku sababay xulkiisa inay si lama filaan ah gacmaha Switzerland ugaga hadhaan wareega 16-ka ee tartanka Euro.
Mbappe ayuu rigoorihii shanaad ee ugu dambeeyay ka badbaadiyay goolhaye Yann Sommer kaas oo ku hoggaamiyay Switzerland inay booskooda wareega siddeeda balan kaga samaystaan dhigooda Spain.
France ayaa hoggaanka ku qabtay 3-1 iyadoo 15 daqiiqo ka hadheen wakhtiga saxda ah ee ciyaarta ka dhacday magaalada Bucharest kaddib laba gool oo uu Karim Benzema si deg-deg ah u dhaliyay iyo gool cajiib ah oo uu Paul Pogba saxeexay.
Goolkii labaad ee uu ciyaarta ka dhaliyay Haris Seferovic iyo goolka bar-bardhaca oo uu keenay Mario Gavranovic ayaa ka caawiyay Switzerland inay kusoo laabtaan ciyaarta.
Haddaba, Kylian Mbappe oo bartiisa Instagram dareenkiisa kaga hadlay kaddib kulankaas xalay ayaa qirtay inay hurdadu ku adkaan doonto ka xumaan uu ka xun yahay waxa dhacay darteed isla markaana uu raali gelin siinayo jamaahiirta.
Kylian ayaa qoraal ku yidhi “Murugada i haysaa waa mid weyn kaddib ka hadhitaankan, maanu awoodin inaanu gaadhno ujeedadayada”
“Waan ka xumahay rigoorahan, waxaan doonayay inaan caawiyo kooxda balse waan ku guuldarraystay, way adkaan doontaa inaan seexdo laakiin murugada ayaa ah inay tani kamid tahay halisaha ciyaartan aan aadka u jecelahay”
“Waan ogahay in idinka oo jamaahiirta ahi aad qalbi jabsan tihiin laakiin wali waxaan jeclaan lahaa inaan idiin mahad celiyo oon idiinka mahad celiyo taageerihiina iyo inaad markasta na aaminteen”