Farmaajo oo farriin u diray shacabka Soomaaliyeed
Muqdisho (Axadle) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta Ubax dhigay taallada dhagax-tuur, si loogu maamuso halgameyaashii naftooda u soo huray Xorriyadda Gobollada Waqooyi.
Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in halgan adag loo soo maray madax-banaanida dalkeena, isla-markaana taalada Dhadax-tuur ay tahay astaan qaran oo u taagan xusuusaha lama illaawaanka ah ee ay leeyihiin guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa farriin u diray…