Spain Oo Semi-finalka Iska Xaadirisay, Switzerland Oo Mar Kale Wacdaro
Xulka qaranka Spain ayaa usoo gudbtay wareegga afar-dhamaadka tartanka qaramada Yurub ee Euro, kaddib markii ay rikoodheyaal 3-1 ah kaga badiyeen Switzerland oo ay ciyaartoodii caadiga ahayd kusoo dhamaatay 1-1.Spain ayaa rikoodhihii ugu horreeyey oo uu tuurtay Sergio Busquets iska lumisay iyadoo kubadda uu birta ka jaray, hase yeeshee saddex ciyaartoy oo Switzerland ah ayaa labana laga qabtay kubadda, midna uu goolka dul-mariyey, waxaana rikoodhihii ugu dambeeyey ee guusha u xaqiijiyey Spain xiddigooda Mikel Oyarzabal.Xulka…