GOLDEN BOOT: Tartanka Gool-Dhalinta Ee Euro, Xiddig Aan Cidi Filayn Oo
Goolkii uu xalay weeraryahanka xulka qaranka Czech ee Patrick Schick ka dhaliyay dhigiisa Denmark ayaa ka dhigan inuu haatan hoggaanka goolasha tartanka Euro 2020 la wadaagayo Cristiano Ronaldo oo markii hore kaligii safka hore fadhiyay.Goolkaas uu Schick kasoo dhaliyay Denmark ayaan xulkiisa ugu filnaan inay wareega afar dhammaadka ee tartanka gaadhaan xilli xulkii ku guuleystay Euro 1992 uu sidaas ugu gudbay heerka xiga balse goolkaas ayaa ugu yaraan Schick ka caawiyay inuu soo qabto Ronaldo.Ronaldo iyo Schick ayaa hadda…