Jose Mourinho Oo Digniin U Diray Xulka England Kaddib Guushii Weynayd
Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa digniin u diray xulka qaranka England kaddib markii ay xalay karbaash ku dhufteen Ukraine, una gudbeen semi-finalka Euro 2020.
Xulka lagu naanayso Three Lions ayaa gaadhay semi-finalka markii u horreysay tan iyo 1996kii, iyagoo guul 4-0 ah ku gaadhay Ukraine oo ay ku wada ciyareen magaalada Rome ee waddanka Talyaaniga.
Harry Kane ayaa u dhaliyey laba gool, Jordan Henderson iyo Harry Maguire ayaa iyaguna shabaqa soo taabtay, xilli uu Raheem Sterling goolal la’aan ku dhamaystay.
Ingiriiska ayaa waxay semi-finalka la ciyaari doonaan Denmark oo iyaguna 2-1 kaga soo badiyey Czech Republic kulan ka dhacay Baku oo ay muujiyeen in ay awood leeyihiin inkasta oo uu bilowgii tartanka ka baxay Christian Eriksen oo uu kusoo booday wadne xanuun.
Mourinho oo ka hadlayay warbaahinta talkSPORT kaddib ciyaarta ayaa waxa uu u sheegay xulka England in aanay damaashaad iyo farxad kusii talo-gelin kulanka Denmark, laakiin ay niyadda gashadaan ciyaar adag, waxaanu yidhi: “Denmark way adag tahay. Waxa kale oo ay heleen qaab ciyaareed ka duwan midkii ay ku bilowdeen.
“Waxay ku bilowdeen iyadoo Christian Eriksen uu u yahay No.10 iyo afar difaac dambe ah, haddana waxay ku ciyaarayaan saddex difaac ah, koox adag, ciyaartooyo wanaagsan oo ka dheela horyaallada ugu wanaagsan oo khibrad badan.
“Waxa kale oo ka muuqata niyad-samaan badan ka sokow wixii ku dhacay Christian, waxaanay yihiin kuwo dareen ahaan xooggan. Waxay ila tahay, in ay England ku noqon doonto ciyaar adag, inkasta oo Ingiriisku ay si fiican u ciyaarayaan, waddankoodana lagu ciyaarayo.”
Ciyaaraha semi-finalka Euro 2020 ayaa waxay ka dhacayaan garoonka Wembley Stadium ee magaalada London, halkaas oo sidoo kale lagu ciyaari doono Finalka, waxaanay taasi caawin siinaysaa xulka Ingiriiska.