Xasan Sheekh oo ‘ceebeyn’ ku tilmaamay hadal kasoo yeeray Fa…
Muqdisho (Axadle) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo sidoo kale ah Musharax madaxweyne oo kamid ah Musharaxiinta Mucaaradka ayaa eedeyn culus u jeediyay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, isagoona ku sifeeyay “shaqsi beenlow ah”.
Madaxweynihii hore ayaa wareysi gaar ah oo uu bixiyey waxa uu ku sheegay in Farmaajo uu been badan yahay oo aysan dhab ka ahayn inuu ku daydo howlaha uu u qabtay bulshada Soomaaliyeed…