Waa Kuma Xiddiga Maanta Tijaabada Caafimaadka U Maraya Arsenal Ee

Kooxda ree London ee Arsenal oo ah mid ku dhaw saxeexyo dhawr ah balse aan wali wax rasmi ah magacaabin ayaa lagu soo warramayaa inuu maanta tijaabada caafimaadka u marayo kabtankii kooxda Anderlecht ee Albert Sambi Lokonga.

Tababare Mikel Arteta ayaa doonaya inuu xagaagii labaad ee xidhiidh ah suuqa ka dhex muuqdo isaga oo markan boosas cayiman isha ku haya waxaana kamid ah xoojinta khadka dhexe oo uusan ku haysan xiddigo amaah kula joogay 2020-21.

Mid kamida xiddigaha ay booska khadka dhexe u doonayaan Gunners ayaa ah Lokonga kaas oo horeba heshiiska shaqsiga ah ula gaadhay kooxda.

Waxay u muuqataa in Arsenal iyo Anderlecht ay horumar weyn ka sameeyeen wadahadaladii Lokonga, saxafiga Belgian-ka ah ee Sven Claes ayaa sheegaya inuu maanta tijaabada caafimaadka u mari doono kooxda waqooyiga London.

Ciyaaryahanada kale ee diirada Arsenal saaran ayuu kamid yahay daafaca Brighton ee Ben White kaas oo lagu soo warramayo inuu si xoogan u doonayo ku biirista kooxdaas.

Gunnera ayaa caddeeyay inay White ka dhigteen saxeexa bar-tilmaameedka koowaad ee ay daafaca u doonayaan walow laba dalab oo ay Brighton u gudbiyeen laga soo diiday.

Ciyaaryahan kale oo ay maalmahan ugu dambeeyay saxeexiisa sidii hore uga dhawdahay Arsenal ayaa ah kubad sameeyaha Lyon ee Houssem Aouar kaas oo ay ka doorbidayaan xiddiga xulka Talyaaniga iyo kooxda Sassuolo ee Manuel Locatelli oo hore bar-tilmaameed ugu ahaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More