“Ma Jiraa Xul Euro Ku Hadhay Oo Spain Ka Wanaagsani?” – Tababare
Xulka qaranka Spain ee Jimcaha caawa ah kahor tagaya dhigiisa Switzerland kulan ka tirsan siddeed dhammaadka tartanka Euro, tababaraha xulkaas ee Luis Enrique ayaa qaba inaan toddobada xul ee kale ee ku hadhay loolanka aan midina dalkiisa ka fiicnayn.Enrique ayaa dhinaca kale sheegay in xiddigaha xulkiisu ay heerkii ugu fiicnaa joogaan taam ahaan isla markaana dhibaatada ay wajihi karaan ay noqon karto mid maskaxiyan ah ee aysan noqon karin mid jidh ahaaneed.“Maya” ayuu ku jawaabay tababare Lucho mar la weydiiyay haddiiba…