Real Madrid Oo Laga Waayay Xiddig Ku Dhiirada No.4-kii Sergio Ramos &

Sergio Ramos ayaa Real Madrid kaga tagay halyeeynimo weyn mudadii 16-ka sano ahayd ee uu kooxdaas joogay isaga oo waxyaabo waaweyn kusoo gaadhay.

Markii uu kusoo biiray Real Madrid sanadkii 2004, Ramos ayaa qaatay maaliyada No.4 oo uu hore kooxda magac weyn ugu soo sameeyay Fernando Hierro balse haatan laba toddobaad iyo badh uu ka maqan yahay kooxdaas ayuusan wali jirin qof weydiistay qaadashada No.4.

Sidaas si lamid ah ayaa ka dhacday xulka Spain intii uu socday koobkii Euro, Ramos ayaa La Roja u qaadanayay No.15 isaga oo ku xusayay Antonio Puerta waxaana la waayay ciyaaryahan ka tirsan safka tababare Luis Enrique oo ku dhaca.

Taas ayaa ka dhigan in xiddigaha Spain ay ixtiraam weyn u hayeen Ramos oo ahaa kabtanka xulka xataa kulamadii isreeb-reebka Euro kahor inta uusan iska waayin liiskii kama dambaysta ahaa ee Euro.

Sidoo kale Real ayaysan wali jirin ciyaaryahano ku dhiiraday maaliyada No.4 balse lama hubo haddiiba uu doonayo inuu qaato David Alaba oo qaab bilaash ah ugaga yimid Bayern Munich.

No.4 ayaa ah maaliyad taariikh weyn ku leh Real Madrid maadaama oo kahor Ramos iyo Hiero ay u xidhan jireen xiddigo waaweyn oo ay kamid ahaayeen Pirri, Uli Stielike, Ricardo Rocha iyo Rafael Alkorta.

Hubaal waxa loo baahan doonaa ciyaaryahan qaata maadaama xiddigaha kooxda koowaad sababtoo ah in xiddigaha kooxda koowaad ay kaliya qaadan karaan inta u dhaxaysa No.1 ilaa No.25.

Dhinaca kale Marcelo ayaa dhaxlay masuuliyadii kabtanimo ee Ramos walow la filayo in Karim Benzema oo kabtan ku xigeenka ahi uu inta ugu badan xidhan doono maadaama oo uu kulamo ka badan kuwa Benzema kusoo bilaaban doono.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More