Xog: Farmaajo iyo mid ka mid ah saraakiishii ugu dhowaa oo k…

Muqdisho (Axadle) – Ilo-wareedyo kala duwan ayaa Axadle u xaqiijiyay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxii xasilinta amniga gobalka Bakaal Kooke uu khilaaf soo kala dhaxgalay, ayna xumaatay kalsoonidii ka dhaxeysay.

Saraakiil xog-ogaal ah ayaa Axadle u sheegay in khilaafka uu soo jiray bilooyinka la soo dhaafay waxaana Bakaal Kooke laga soo wareejiyay gobalka Gedo, iyadoo howlgal loogu diray gobalka Shabeelalda Dhexe.

Bakaal Kooke oo ay qabiil ahaan is-xigaan Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii Axmed Madoobe kula dagaalay gobalka Gedo, iyadoo markii dambana uu Bakaal kamid noqday saraakiil loo diiday in ay gaaraan Gedo.

Taliye Bakaal Kooke ayaa markii ugu dambeysay Madaxweyne Farmaajo u sheegay in gobalka Gedo uusan ku hagaagi doonin sida hadda wax-loo wado, isagoo sheegay in madaxweynaha uu kaliya wax la rabo beeshiisa oo aan daganeyn Gedo balse degta Galgaduud.

Wixii markaas ka dambeeyay ayaa la sheegay in Bakaal Kooke iyo ciidan ka tirsan NISA howlgal loogu diray degmada Balcad, kaasoo la sheegay in muddo bilooyin ah socon doono balse waxaa jirtay in laba jeer uu ka mid noqday mas’uuliyiin reer Gedo ah oo laga soo celiyay garoonka Muqdisho.

Arrintan ayaa muujineysa in Madaxweyne Farmaajo uu la dagaalay dhammaan saraakiishii iyo mas’uuliyiintii Axmed Madoobe kula dagaashay gobalka Gedo. Shaqsiyaadka lagu jisaaray waxaa kamid ah, Bakaal Kooke, Macalimuu oo ahaa guddoomiye ku-xigeenkii gobolka iyo dhamaan guddoomiyaashii degmooyinka gobalka Gedo iyo saraakiil kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More