Maxaa laga yeelayaa doorashada Garbahaarey? –

Garbahaarey (Axadle) – Magaalada Garbahaarey waxaa weli ka taagan dood xoogan oo hareysay doorashada 16-ka kursi ee taalla gudaha magaaladaasi oo ah deegaan doorashada labaad ee dowlad goboleedka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Aqoonyahan Maxamed Cabdullaahi Kooshin oo si weyn uga faallooda arrimaha siyaasadda dalka ayaa ka hadlay muranka hareeyey doorashada Garbahaarey iyo sida laga yeelayo, maadaama uu dhamaad yahay waqtigii lagu heshiiyey in la soo gabagabeeyo doorashada.

Kooshin ayaa marka hore si weyn u dhaliilay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo, wuxuuna sheegay inay aheyd inay muujiyaan biseyl siyaasadeed iyo dabacsanaan.

“Anigu waxaan qabaa arrintu inay soo dhawaan laheyd, haddii dareenka maamulka gobolka Gedo uu hadda muujinayo akhlaaqiyan aan wanaagsaneyn ama siyaasiyan aan wanaagsaneyn hadallada ay ku hadlayaan haddii ay dabci lahaayeen magaalada Garbahaareyna ay muujin laheyd biseyl siyaasadeed,” ayuu yiri Maxamad C/llaahi Kooshin.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Jubbaland ay mas’uul ka tahay doorashada Garbahaarey, si la mid ah maamul goboleedyada, balse la’isku diidan-yahay siyaasad ahaan.

“Waayo Problem-ka ugu weyn ee jira waxaa weeye waxaan la kala sooceyn tabashada Axmed Madoobe iyo sidoo kale qaddiyada doorashada oo ah mid la wada leeyahay, waayo nidaamka Jubbaland ayaa mas’uul ka ah Election-ka ka dhacaayo Garbahaarey, si la mid ah State-yada kale,” ayuu markale yiri Kooshin oo u warramay Telefishinka Universal.

Waxa kale oo uu intaas sii raaciyey “Waxa ay aheyd maamulka inuu la yimaado istaraatiijiyad ka duwan Axmed Madoobe ma rabno, guddiyadiisa ma rabno, xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaan ka shakisanahay waxay aheyd inay muujiyaan biseyl siyaasadeed,”

Ugu dambeyn Kooshin ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan doodo iska horjeedo oo ku aadan sida loo wajahayo 16-ka kursi ee taalla magaalada Garbahaarey oo ay horey dowlad goboleedka Jubbaland u shaacisay inay doorasho ku qaban karin gudaha magaaladaasi.

“Haddii ay sidan xaaladdu sii ahaato oo is-beddal imaan waayo inta la oran lahaa Garbahaarey doorasho laguma qaban karo ama Kismaayo kuraasta lala aadi lahaa waxaan ku qanacsanahay in 16-kii kursi xildhibaanadii ku fadhiyey ay horey ugu fadhiyaan, bacdal doorashana deegaan doorashada lagu doorto, inkastoo ay tahay dood daciid ah,” ayuu yiri.

Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa haatan gabagabo ku dhow, walow markale uu muuqanayo dib u dhac ku aadan in lagu soo idleeyo 15-ka March.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More