Skip to content
Saturday, October 17, 2026 5 Jumada al-Ula 1448 AH Fajr 04:32
Muqdisho 26°C
Breaking: Netanyahu Office Alleges Smear Campaign Against Israel Over Settler Attacks
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Laba diyaarad oo ka tegay Muqdisho oo loo diiday inay ka dag…

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Baydhabo (Axadle) – Maamulka Koonfur Galbeed ee Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa amray in diyaarado rakaab siday oo ka baxay Muqdisho saaka, oo ay lahaayeen shirkadaha Haala Airline iyo Blue Sky, inay dib ugu noqdaan halkii ay ka yimadeen ee garoonka Muqdisho xilli ay doonayeen inay ku dagaan Garoonka Shaati Gaduud.

Muqtaar Xaamud, xoghayaha AOC, oo la hadlay idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in diyaaraha Haala Airline iyo Blue Sky oo saakay ka duulay magaaladda Muqdisho marka ay gaareen Baydhabo lagu wargaliyay inaysan ka dagi karin garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee Baydhabo ayna dib uga soo noqdeen magaaladda Muqdisho, iyaga oo sida rakaabkii Baydhabo.

- Advertisement -

Sidoo kale, madaxa Suuq geynta shirkadda Blue Sky Axmed Xuseen Xasan ayaa sheegay in dadweynihii rakaabka ahaa ee ka tegi lahaa Muqdisho iyo kuwii kasoo bixi lahaa magaalada Baydhaba ay ku xayirmen labada garoon.

“Garoonka Baydhabo culays ayaa ka jira, aan caadi ahayn taas oo ah in wasaaradda gaaddiidka Koofur Galbeed in ay xanibaad ku soo rogtay diyaaraha Guddaha ee u kala goosha Muqdisho iyo Baydhabo si ka duwan caasimadaha dowlad-goboleedyada kale ee dalka,” ayuu yiri Muqtaar Xaamud.

“Laba diyaaradood oo ka kacay Muqdisho Airporta oo ah diyaaradaha ka diiwaan gashan wasaaradda gaadiidka Soomaaliya, sidayna dad Soomaaliyeed, ayaa markii ay dultageen garoonka diyaaradaha Baydhabo oo ay dagi lahaayeen ayaa lagu yiri ma dagi kartaane dib u laabta marka culayskaas ayaa jira,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Sababta ka dambaysa in diyaaradaha la soo celiyo ayuu ku qeexay in wasaaradda gaadiidka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay dhawaan shaacisay in garoonka diyaaraha magaaladda Baydhabo maalinkii loo ogolyahay hal diyaarad oo rakaab ah “taas oo shacabku dhibaato ku qabaan”.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in maamulka Koonfur Galbeed uu xayiraad kusoo rogay musharixiinta xildhibaannada ah ee u tartamaya labada aqal ee Baarlamaanka oo aan loo ogoleyn inay tagaan Baydhaba, taasoo halis gelineysa Doorasho xalaal ah oo ka dhacda maamulkaasi.

How do you rate this story?

0 votes