Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Cumar Faatax oo ku biiray Aqalka sare ee Minnesota! –

Cumar Faatax oo kamid ah dhalinyarada Soomaalida ee kunool Dalka Mareykanka ayaa ku guuleystay xubinnimada Aqalka Sare ee Gobolka Minnnesota oo ay ku badan tahay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas. Senator Cumar ayaa waayihii dambe waday ololaha loolanka hanashada kursigaan, waxa uu qabtay bandhigyo kala duwan, ugu dambeyn guul ayuu ka gaaray tartankaas uu gashay sida natiijada ku cad. “Waxa aan ku faraxsanahay in aan noqdo qofkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo kamid noqda…

Xisbiga Wadajir oo walaac ka muujiyay dib u dhaca

Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame . Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa walaac ka muujiya dib u dhaca jadwalka doorashooyinka 2020/21 ee ay ku heshiiyeen Hogaamiyaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Hogaamiye-yaasha Dowlad-goboleedyada iyo Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir. Qoraal uu soo saaray Xisbiga aadka u dhaliila habmaamulka Nabad iyo Nolol ayaa lagu yiri “Xisbigu…

Golaha Wasiirada oo shir Saddex maalin ah ugu furmay Hotelka

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka Decale oo ku yaalla Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde waxaa kulan uga furmauy Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya, kulankaas oo looga hadlayo Arrimo dhawr ah oo horyaalla xukumadda Raysul wasaare Rooble. Kulanka oo uu shir guddoominayo Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa looga hadlayaa Arrimo ay ka mid yihiin, Doorashooyinka, Amniga, Kordhinta Dhaqaalaha, Daynta cafinta, horumarinta bulshada, Caddaaladda iyo…

Ganacsatada Kenya oo ku qaylinaya in la furo xadka gobolka

Ganacsatada kalluunka qalalan ee gobolka Lamu ee dalka Kenya, ayaa codsaday in dib loo furo xadka Lamu iyo Soomaaliya si ay awood ugu helaan in ganacsigoodu u gudbo Soomaaliya. Magaalooyinka Kismaayo iyo Muqdisho ayay kaluunka u soo doonan jireen. Gudaha Kenya ayay dib ugu celin jireen si ay lacag uga sameeyaan. Balse, waxaa haatan baayacmushartaas hakiyey in uu xiranyahay xuduudka u dhexeeyo lawada wadan ee geeska Afrika dhaca. Bishii June ee sanadkii lasoo dhaafay 2019-kii…

Caalamku muxuu ka yiri weerarkii Vienna? – AxadleTM

Qoraal uu barta Twitter-ka soo dhigay, hoggaamiyaha Austria Sebastian Kurz ayaa wuxuu ku yiri “waxaan ku wajaheynaa saacado adag gudaha jamhuuriyaddeenna”. “Booliiskeennu si adag ayay wax uga qaban doonaan dembiilayaasha weerarkan argagixiso. Marnaba ma oggolaan doonno in nala argagixiyo” ayuu yiri. Austria in muddo ah kama dhicin weerarrada saameeyay dalalka kale ee Yurub. Hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa cambaareeyay weerarkaas, iyadoo Hogaamiyaha Faransiiska Emmanuel Macron uu…

Ilaalada Xeebaha Liibiya oo badbaadiyay 180-Tahriibe. –

War kasoo baxay Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee (UNHCR) ayaa lagu sheegay in lasoo gaarsiiyay warbixin la xiriirta howlgal lagu badbaadiyay 180-ruux oo ka tahriibayay Xeebaha Liibiya balse gacanta lagu dhigay. Hay’adda ayaa sheegtay in dadkaan dib loogu celiyay Xeebaha dalkaas oo ay ay ka safreen, waxaana ku guuleystay soo badbaadintooda ilaaladaha Biyaha dalkaas oo fiiro gaar ah u leh dadka ka tahriibaya dalkaan dhaca Waqooyiga Afrika. “Ilaa 180-Tahriibe…

Koofur Galbeed oo Baraawe u diyaarisay ciidan suga ammaanka

DG Koofur Galbeed ayaa ciidamo Daraawiish & Booliis isugu jiro u diyaarisay Magaalo Xeebeedka Baroowe oo ah xarunta Dastuurka ugu qoran maamulkaas, inkasta oo uusan waligii ku shaqeyn. Hogaamiyaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo dhaqangelinaya kulan bishii Oktoobar 2020 la qaatay Odoyaasha dhaqanka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa diyaariyay qorshaha askartaas lagu qaadayo. Dalabka ciidankaan ayaa ka dhashay kadib markii waxgaradka fadhiga la…

Maamulka Gobolka Banaadir oo bilaabay biyo ka saarista

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waddooyinka Magaalada Muqdisho ka bilaabay howlgal biyaha xareedda roobka looga saarayo, kadib markii uu kulan degdeg ah oo lagu canaantay uu la qaatay Raysul Wasaaraha XFS. Mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir ayaa xalay ku guureeyay qaar kamid ah jidadka Magaalada Muqdisho oo biyaha fadhiistay si looga saaro, maadaama ay geeyeen Booyado si waaxda nadaafadda ay uga howlgasho. Ku simaha Duqa Muqdisho ahna Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda…

Baarlamaanka 2-aad ee Hir-Shabeelle oo maanta dhageysanaya

Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa shalay aqoonsi siiyay 6-Musharax oo u kala tartamaya qabashada Guddoomiyaha & ku xigeennada Baarlamaanka maamulkaas. Musharixiinta ayaa min labo ugu tartameysa Guddoomiyaha, ku xigeenka 1-aad & 2-aad, saacadihii lasoo dhaafay Jowhar ayay ka wadeen kulamo siyaasadeedyo & kala xod-xodashada Xildhibaannada si ay usoo kala jiitaan Baarlamaanka ay ku haminayaan in ay guddoomiyaan. 5-kamid ah waa rag, halka hal…

Waare:Waxaan iska casilay xilkii Hogaamiyaha Dowladda HirShabelle

Warqad xalay xili dambe uu soosaaray Maxamed Cabdi Waare Madaxweynihii labaad ee taariikhda DG Hir-Shabeelle soo maray waxa uu ku caddeeyay in uu iska casilay xilka Madaxweyna. Muddo xileedka Waare oo dhamaaday 17-kii Oktoobar 2020 ayaa kahor yimid howsha xulista Baarlamaanka labaad ee Hir-Shabeelle oo uu guda-galay guddi uu magacaabay balse markii uu jadwaleelay doorashada & xulista Xildhibaannada kahor yimid. Waare ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka caga-jiidayay dalabaad loo gudbiyay oo ahaa in uu ogolaado go’aanka…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More