Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Armenia oo in ka badan 2,000 oo askari ku waysay dagaalka ay

Armenia ayaa sheegtay in, in ka badan laba kun oo askari looga dilay dagaalkii socday lixda toddobaad ee ay la gashay Azerbaijan, ee ka dhashay gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno Karabakh. “Illaa iminka, waxaan xaqiijinay geeriday 2,317 oo askari, oo ay ku jiraan kuwa aan weli la aqoonsan,” waxaa sidaas qoraal ay soo dhigtay facebook ku tiri Alina Nikoghosyan oo ah afhayeenka wasaaradda caafimaadka Armenia. Dagaalka oo socday ku dhowaad laba bil ayaa soo geba-geboobay…

Cabdi Xaashi oo warqad uu kaga Cabanayo gollaha fulinta iyo

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Warqad uu kaga cabanayo madaxtooyadda Soomaaliya u diray Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Amb, James Swan iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Amb, Francisco Madera. Qoraalka Cabdi Xaashi ayaa lagu sheegay in xilligaan wadanka uu ku jiro waqti kala guur ah oo la aadayo doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal si ay xor iyo xalaal ugu dhacaan, uuna…

Hoggaamiyaha Tigray oo ku ‘faanay’ in ay duqeeyeen garoonka

Hogaamiyaha Gobolka Tigray ee Ethiopia Debretsion Gebremichael ayaa xaqiijiyay in ciidamada Tigreega ay duqeeyeen garoonka diyaaradaha ee caasimada Asmara ee Eriteriya. Dhacdadaani ayaa waxa ay sare u sii qaadeeysaa xisaadda colaadeed ee u dhaxeysaa dowladda Itoobiya iyo xoogagga deegaanka Tigreega ee TPLF Ilo wareedyo ku sugan Eritrea ayaa sheegay in gantaallo lagu garaacay garoonka diyaaradaha, laakiin ay seegtay bartilmaameedyadooda. Wax dhaawac ah lama soo sheegin ilaa iyo…

Al-Shabaab oo sheegtay in ay qabsatay Deegaan u dhaxeeya

Sida ay daabacday Warbaahinta Al-Shabaab, xooggag katirsan Shabaab ayaa qabsaday Deegaanka Ceel Dheere oo u dhaxeeya Degmooyinka Dhuusamareeb & Guriceel ee Gobolka Galgaduud. Warka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in xalay fiidkii Al-Shabaab si buuxda ay u qabsadeen gacan ku heynta Deegaankaan oo aan sidaas uga fogeyn Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta DG Galmudug. Al-Shabaab ayaa intaas ku dartay in bilaa dagaal ay qabsatay, kadib markii ciidamada DG Galmudug ay isaga baxeen…

Gobolka Bari oo lagu xiray Rag lala xiriiray Al-Shabaab &

Magaalada Boosaaso & deegaanna dhaca duleedkeeda waxaa howlgal ka sameeyay ciidamada ammaanka Dowlad Goboleedka Puntland, kadib markii la amray howlgal lagu sugayo ammiga Gobolka Bari. Ujeedka howlgalka ayaa ah sidii loo adkeyn lahaa xasiloonida Magaalada oo martigelineysa qaar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka BFS ee saami ahaanta loo siiyay maamul Goboleedka Puntland. Maamulka Gobolka Bari, Saraakiisha ciidamada Ammaanka & mas’uuliyiinta Magaalada Boosaaso oo ka…

Maxaa hortaagan in Puntland & Jubbaland ay dhameystiraan

Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed, Hir-Shabeelle & Galmudug ayaa soo dhameystiray Guddiyada xalinta Khilaafaadka & Doorashada 20/21 ee ka dhashay heshiis siyaasadeedka DFS & DG dhexmaray Bilihii September iyo October 2020. Ilo xog ogaal ah ayaa Axadle u sheegay in maamulada Puntland & Jubbaland ay ka war-dhowrayaan halka ay ku biyo shubato doodda ka taagan guddiga la magacaabay oo xubnaha mucaaradka ah ay sheegeen in laga soo dhex xulay Hay’adda Nabadsuidda…

“Doorashada Dalka 20/21 waa in ay ku dhacdaa waqtiga lagu

Hogaamiyaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo la hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga gaar ahaan Magaalada Istanbul waxa uu la wadaagay dhinacyada Doorashada, Amniga, Waxbarashada, Dhaqaalaha & dib u dhiska dalka. Ugu horeyn waxa uu sheegay in dadaal badan la geliyay heshiiska doorashada oo fadhiyo kala duwan ay ka yeesheen Hogaamiyayaasha Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada ugu dambeyn dhinac loo riday nuuca doorasho ee dalka…

Qalalaasaha Ethiopia meesha ma kasaari karaa Rejada MW

Mid kamid ah Booliiska gobolka Tigray oo fadhiya bar Kontorol oo laga galo gobolka Faragelinta & Saameynta xun ee dowladaha derisku ku yeeshaan doorshooyinka Soomaaliya waa qeybta ugu weyn marka laga hadlayo saameynta  guud ee ay dowladaha Shishiyeeye  ku leeyihiin siyaasadda Waddanka, sida ay fahamsan yihiin falanqeeyeyaasha natiijooyinka doorashooyinka madaxtooyada Soomaaliya laga soo billaabo 2000 waxaa go’aamiya taageerada Ajanabiga! waxa ay dhan u riddaa taageeradaasi…

“Waxaa naga go’an in Doorashada 20/21 aysan dib uga dhicin

Raysul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Raysul wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa faah-faahiyay is qab-qabsiga ka dhashay xubnaha Guddiga Doorashada 20/21, cabashada Xisbiyada Mucaaradka & Walwalka waqtiga Doorashada. Guuleed ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay mas’uul ka tahay qabashada doorashada 20/21, lana soconeyso sidii loogu qaban lahaa muddo xileedka Dowladda Federaalka oo ku eg 8-da…

MW. Farmaajo oo shaqada ka eryay gudoomiye ku xigeenadii

Hogaamiyaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shaqada ka eryay gudoomiye ku xigeenadii maamulka iyo maaliyadda iyo amniga & Siyaasadda gobolka Banadir waxa uuna xilalkaasi u kala magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud Iyo Cali Cabdi Wardheere  oo loo yaqaano Cali Yare Cali. Hogaamiyaha ayaa sidoo kale u magacaabay Faarax Cabdi Diini Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir, halka Xiireey Axmed Rooble uu u magacaabay Xoghayaha Guud ee Gobolka…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More