Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
Diego Maradona Oo Lacag Loo Beddelay – Qof Kasta Ayaa Heli
Halyeygii reer Argentina ee Diego Maradona waxa uu meeqaamka ‘halyeyga’ ka gaadhay waddankiisa markii uu u qaaday Koobkii Adduunka ee 1986kii oo uu u dhaliyey goolashii ugu caansanaa taariikhda oo uu ka mid ahaa goolkii gacanta ee uu xulka qaranka England kaga reebay tartanka wareeggii siddeed-dhamaadka.Goolkaas oo loogu magac-daray ‘Hand of God’ iyo Goolkii Qarniga ee uu ciyaartoyda oo dhan lasoo dhaafay kubadda ka hor intii aanu shabaqa ku hubsanin, ayaa ah waxa u dheer guusha koobka adduunka ee ay shacabka reer Argentina…
Jose Mourinho Iyo Sir Alex Ferguson Oo Isku Aragti Ka Noqday
Wakiilka laacibka khadka dhexe uga ciyaara Manchester United ee Paul Pogba ee Mino Raiola ayaa daboolka ka qaaday inuu dhamaaday waqtigii Old Trafford ee xiddiga reerFrance, sidaas darteedna uu toddobaadyada ka horreeya suuqa bisha January uu ka shaqayn doono sidii uu koox kale heshiis ugu saxeexi lahaa.Raiola oo Isniintii u warramayay wargeyska Talyaaniga ah ee Tuttosport ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in Pogba uu diyaar u yahay inuu markii labaad ka tago Manchester United oo isagoo carruur ah ay hore Juventus ugala…
Free Pogba!! Rio Ferdinand Oo Ka Codsaday Manchester United
Halyeygii difaaca Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa sheegay in bandhig-ciyaareedkii uu muujiyey Paul Pogba ciyaartii West Ham ay u baahan tahay in si joogto uu laacibkani ugu celiyo, kooxduna ay siiso xorriyaddii iyo fagaarihii uu ku heli lahaa qaab-ciyaareedka noocaas ah.Pogba ayaa dhaliyey gool qurux badan oo uu ku barbarreeyey West Ham oo gool kala hor martay, iyaodo ciyaartiisa wanaagsanayd ay ka saacidday Red Devils inay guul soo laabasho oo 3-1 ah diiwaan-gashato.Muddo dheer oo uu ciyaar xumo iyo dhaawacyo kusoo…
“Kooxdan Waxa Nalagu Baray In Aanad Kaliya Ciyaarin
Khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Casemiro ayaa farriin digniin ah oo u muuqata cago juglayn u diray xilli ay labada kooxood habeen dambe iskaga hor imanayaan kulan labadaba muhiim u ah oo ah wareega ugu dambeeya ee Group-yada.Xiddiga ree Brazil ayaa kusoo bilaaban doono khadka dhexe ee kulanka Estadio Alfredo Di Stefano ka qabsoomi doona waxaana uu sii muujiyay kalsooni weyn kahor ciyaarta.Casemiro oo farriintiisa u diraya Borussia ayaa sheegay in ugu horreynba kulanku Final yahay oo iyagana Real Madrid lagu baray in…
Shaxda Kooxdii Ugu Fiicnayd Premier League Toddobaadkan &
Shabakada caanka ku ah ee looga bartay xogaha kala duwan ee kubadda cagta inay ururiso ee Whoscored ayaa soo saartay shaxda ay usoo xulatay mida ugu fiican horyaalka Premier League toddobaadkan oo ahaa midkii 11-aad.Shaxdan ayay si lama filaan ah afar boos ugu yeelatay Crystal Palace oo soo xaaqday West Bromwich Albion, layaabyada kale ee xulashadan ayaa ah inuu goolka soo galay da’yarka Ligverpool ee Kelleher oo kulankiisii ugu horreeyay horyaalka ciyaaray.Labada daafac dhexe ee shaxdan ayaa ah Joel Matip oo gool kasoo…
Barcelona Oo Ku Dhawaaqay Liiska Kooxdeeda Ee Kulanka
Tababare Ronald Koeman ayaaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa Barcelona uga qayb qaadanaya kulanka ay caawa soo dhawayn doonaan dhigooda Juventus oo Camp Nou marti ugu ah.Barcelona ayaa kulankan gelaysa iyadoo booska 1-aad ee Groupka joogta isla markaana soo guuleysatay dhammaan kulamad shanta ah ee ay ilaa haatan soo ciyaartay halka ay Juve saddex dhibcood ka dambayso.Tartanka kaalinta 1-aad ayaa wali ah mid furan, Juventus ayaa haddii ay ku badiso wax ka badan 2 gool amaba ay ku badiso farqi laba gool ah oo aan…
Waakan Rekoodhka Cajiibka Ah Ee Ay Haystaan Man United Iyo
Kooxaha Manchester United iyo Red Bull Leipzig ayaa caawa isku faro saari doona gegida Red Bull Arena kulan xiiso badan oo go’aamin kara midkooda u gudbaysa wareega 16-ka ee UEFA Champions League.Labada kooxood ayaa min 9 dhibcood leh imika iyagoo la wadaaga Paris Saint-Germain oo kula jirta Group-ka balse kooxda ree France ayaa u muuqata mid ka fursad fiican maadaama ay Parc des Princes ku qaabilayso Istanbul Basaksehir.Kahor kulankooda caawa, xog hadda lagu muujiyay shabakada Whoscored ayaa muujinaysa sida uu u xiiso badan…
“Paul Pogba Ka Takhalusa Oo Iska Dira, Waa Ciyaartoyga Loogu
Halyeeyga kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa u sheegay kooxda uu mudada lasoo xifaaltamayay ee Man United inay iska fasaxdo khadka dhexe ee Paul Pogba kaddib hadalo kale oo culus oo kasoo yeedhay wakiilkiisa Mino Raiola.Mino Raiola ayaan waxba u qarinin Man United xalay oo uu saxaafada la hadlay isaga oo sheegay inay iibiyaan xagaaga sanadka dambe ama ay bilaash ku waayi doonaan sanadka 2022 isaga oo toos u xusay inuusan heshiis cusub u saxeexayn.Dhinaca kale Mino ayaa intaas ku daray in wakhtigii Pogba ee Old Trafford…
Mustaqbalka Mesut Ozil Oo Dhinac U Dhacay, Man United Oo
Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad dunida ka joogtaan. Suuqii iibka ciyaartoyda ee xagaagii waxa uu xidhmay horraanta bishii October, waxaana dhowaan la sugayaa inuu furmo suuqa waqtiga jiilaalka ee bisha January oo muddo kooban ay kooxuhu u heli doonaan inay kaga soo faa’iidaystaan.Kooxaha dhaawacyadu ragaadiyeen amaba doonaya inay helaan xiddigo ka caawiya xallinta dhibaatooyinkii ay soo arkeen qaybta hore ee xili ciyaareedka ayaa suuqa geli doona, sidoo kalena ciyaartooyo heshiisyada…
“Anigu Ma Fahmayo Sababta Aanan U Ciyaarayn” – Xiddig
Khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Miralem Pjanic ayaa si cad saxaafada uga hor muujiyay sida uu uga xun yahay in macalinkiisa Ronald Koeman uusan isaga siinayn fursadii uu mudnaa xilli ay caawa Champions League kaga hortagayaan kooxdiisii hore ee Juventus.Pjanic oo 60 Milyan oo euro ku qiimaysan ayaa suuqii xagaaga usoo wareegay dhinaca Camp Nou waxaana dhinaca kale ee Allianz Stadium ka degay Arthur Melo oo isaguna 72 Milyan oo euro ku qiimaysnaa.Bilawga nolosha Pjanic ee Barcelona ayuu saameeyay xanuunka Korona Fayras oo…