Skip to content
Sunday, September 13, 2026 30 Rabi al-Awwal 1448 AH Maghrib 17:58
Muqdisho 27°C
Breaking: Turkey Blocks X Accounts Belonging to LGBTQ Activists
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Barcelona Oo Guul Dirqi Ah Ka Gaartey Dynamo Kiev, Juventus

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 3-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~3 min audio

Barcelona ayaa kusoo laabatay jidka guusha kaddib guul-darrooyinkii waji gabaxa ahaa ee horyaalka LaLiga kasoo gaadhay ee saddexdii kulan ee ugu dambeeyey loo xambaarinayay.

Tababare Ronald Koeman oo indhihiisa ku daawanayay khasaarihii kooxdiisa kasoo gaadhay Alaves, Real Madrid iyo Getafe ayaa cadhadii kula dhacay Dynamo Kiev oo xanuunka Korona Fayras uu kaga dhacay ku dhowaad toban ciyaartoy oo kooxda koowaad ah oo ay ku garaaceen 2-1.

Lionel Messi ayaa gool-dhalinta ugu furay rikoodhe bilowgii ciyaarta, waxaana midka labaad ku daray Gerard Pique.

Dhamaadkii ciyaarta ayay Dynamo Kiev la timid gool madi ah oo aan waxba ka beddelin natiijada ciyaarta, waxaana u dhaliyey Viktor Tsigankov.

Shaxdii labada kooxood

DYNAMO KIEV (4-2-3-1): Ruslan Neshcheret; Tomasz Kedziora, Illia Zabarnyi, Denys Popov, Artem Shabanov; Volodymyr Shepelev, Oleksandr Andrievsky; Viktor Tsygankov (c), Vitaliy Buyalskiy, Gerson Rodrigues; Vladyslav Supriaha.

Kaydka: Valentyn Morgun, Benjamin Verbic, Nazariy Rusyn, Oleksandr Syrota, Clayton, Carlos de Pena, Bogdan Lednev.

BARCELONA (4-2-3-1): Marc-Andre ter Stegen; Sergino Dest, Gerard Pique, Frenkie de Jong, Jordi Alba; Sergio Busquets, Miralem Pjanic; Pedri, Lionel Messi, Ansu Fati; Antoine Griezmann.

Kaydka: Ousmane Dembele, Inaki Pena, Carles Alena, Riqui Puig, Neto, Clement Lenglet, Sergi Roberto, Martin Braithwaite, Junior Firpo, Trincao.

Daqiiqaddii 4aad ee ciyaarta ayaa Barcelona loo dhigay rikoodhe degdeg ah, waxaana markiiba kubadda soo qaatay kabtan Lionel Messi oo kubadda ka hoos saaray goolhaye Ruslan Neshcheret.

Goolkan ayaa ahaa midkii 21aad ee Lionel Messi uu u dhaliyo Barcelona 25kii ciyaarood ee ugu dambeeyey tartanka Champions League.

Barcelona oo qaybtii hore ku ciyaaraysay shax ka koobnayd 4-2-3-1 ayaa isbeddel ku samaysay qaybtii dambe, waxaanay u digo rogteen 4-3-3 kaddib markii ay garoonka soo galeen Ousmane Dembele iyo Sergio Roberto.

Gerard Pique ayaa daqiiqaddii 65aad hoggaanka usii dheereeyey Barcelona, waxaana uu shabaqa goolka Dynamo Kiev ku qabtay kubbad madax awood badan ah oo uu dhaafiyey goolhaye Neshcheret, waxaana kubaddan usoo dhiibay Ansu Fati.

Daynamo Kiev ayaa daqiiqaddii 75aad dhashatay gool uu u saxeexay laacibka Viktor Tsigankov, waxaana goolhaye Ter Stegen oo ku dedaalay in kubaddu aanay ka dhalanin markii horena iska soo difaacay uu waayey cid garab ku siisa joojinteeda. Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday Barcelona.

Dhinaca kale, Juventus oo ay Group G ku wada jiraan Barceloina ayaa guul weyn gaadhay kulan uu Cristiano Ronaldo usoo laabtay oo ay marti u ahaayeen kooxda yar ee Ferencvaros.

Alvaro Morata ayaa Chelsea u dhaliyey goolka koowaad aqiiqaddii 7aad ee bilowga ciyaarta, kaddib markii uu kubbad ka helay Cuadrado.

Laacibka reer Spain ayaa qaybtii labaad gool labaad usii raaciyey iyadoo uu kubbaddana ka helay Cristiano Ronaldo oo caawiye u noqday ka hor intii aanu Paulo Dybala natiijada ciyaarta ka dhigin 3-0.

Dhamaadka ciyaarta oo ay 9 daqiiqadood ka hadhsan tahay ayay gool afraad iska dhalisay Ferencvaros waxaana si qaldan kubadda goolkiisa ugu leexiyey Lasha Dvali.

How do you rate this story?

0 votes