Skip to content
Thursday, September 17, 2026 4 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:40
Muqdisho 24°C
Breaking: Three Killed in News Helicopter Crash in Los Angeles
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Labadii Ciyaartoy Ee Sababay Guul-darrada Manchester United,

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Manchester United ayaa soo bandhigtay mid ka mid ah ciyaaraheedii ugu liitay muddooyinkii ugu dambeeyey, kulan ay marti u ahayd Istanbul Basaksehir, taas oo lagu garaacay 2-1.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo kooxdiisu ay dhibaatooyin dhinaca horyaalka ah ku jirto, isla markaana fadhido kaalinta 15aad ayaa waxa ugu darsantay khasaare kale oo lama filaan ah.

Daqiiqaddii 13aad ee ciyaarta ayay Manchester United fadeexaddii u horreysay la kulantay kaddib markii ay dhamaan ciyaartoygoodu ku wada xaroodeen dhinaca goolka Istanbul Basaksehir oo ay duullaan ku ahaayeen, iyagoo illoobay difaacistii, waxaana kubbad ay kooxda reer Turkey iska soo saartay badhtamaha garoonka ka helay Demba Ba oo aanay cidina usoo dhoweyn, waxaana kubadda ula tegay Dean Henderson oo uu kubadda dhinaca ka dhigay.

Edin Visca ayaa mar kale gool labaad ku ciqaabay kala daadsanaanta Manchester United, waxaana uu dhaliyey goolka labaad ee Istanbul Basaksehir ka hor intii aanu gool aan waxba tarin u dhalin United weeraryahanka reer France ee Anthony Martial.

Xiddigii garoonka iyo laacibiintii fashilmay

Ruug-caddaaga Demba Ba ayaa noqday xiddigii ugu fiicnaa garoonka, waxaana laacibkan hore ee Chelsea uu dhaliyey goolka koowaad iyadoo uu mar kalena u qalmayay in Tuanzebe lagu siiyo kaadh cas maadaama uu dhabarka soo qabtay oo uu ka joojiyey gool labaad oo uu dhalinayay.

Khibradda uu u adeegsanayay Manchester United ayaa ka dhigtay laacibkii ugu halista badnaa ee difaaca United ay waajaheen, iyadoo uu mar walba ku ahaa mid ku socda goolkooda oo marka kubaddu soo gaadho hore ugu soconayay.

Xiddigan Muslimka ah ayaa qiimayntii kulanka ka helay darajada 8, waxaanay isku mid ahaayeen Visca laakiin waxa xiddiga garoonka la siiyey Ba.

Ciyaarta waxa ku fadeexadoobay oo ugu liitay labada ciyaartoy ee Manchester United ee Tuanzebe iyo Matic oo darajadii ugu hoosaysay ka helay qiimaynta, waxaana uu mid walba helay darjaada 3 qiimaynta kulanka.

Manchester United ayay ciyaartoygeedu ahaayeen kuwo liita, mana jirin mid helay qiimayn wanaagsan. Wan-Bissaka, Maguire, Mata, Fernandes iyo Rashford ayaa dhamaantood qiimaynta kulanka ka helay darajada 4 oo iyaduba fadeexad ah, waxaana kooxda oo dhan loogu qaatay Henderson iyo Martial oo min 6 helay.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Istanbul Basaksehir: Gunok (7), Rafael (7), Skrtel (7), Epureanu (7), Bolingoli (7), Aleksic (7), Ozcan (7), Kahveci (7), Visca (8), Ba (8), Turuc (7).

Beddelka: Topal (n/a), Gulbrandsen (n/a), Ponck (n/a).

Man Utd: Henderson (6), Wan-Bissaka (4), Tuanzebe (3), Maguire (4), Shaw (5), Matic (3), Mata (4), Van de Beek (5), Fernandes (4), Rashford (4), Martial (6).

Beddelka: McTominay (6), Pogba (5), Cavani (5), Greenwood (n/a), Fosu-Mensah (n/a).

How do you rate this story?

0 votes