“Caawa Ma Kalidaa Ayaa Seexanaya…? Miyaadan Saaxiibaddaa….?”

Erling Haaland ayay u ahayd habeen kale oo wanaagsan oo uu la saaxiibay shabaqa, waxaana inkasta oo aanay u suurtogelin inuu saddexley dhaliyo uu haddana awood u yeeshay inuu laba gool u saxeexo Borussia Dortmund kulankii ay 3-0 ku garaaceen naadiga reer  Belgium ee Club Brugge.

Markii ay ciyaartu dhamaatay ayaa waraysi nacasnimo leh lala yeeshay Erling Haaland, taas oo keentay inuu dhinacyada jalleeco, isla markaana kelmad kooban oo uu ka fiirsaday kaga jawaabo.

20 jirkan mucjisada goolasha ah oo lagu yaqaano in marka la waraysanayo uu bixiyo jawaabo gaagaaban ayaa wariye ka socday CBS uu weydiiyey su’aal ka baxsanayd dhaqanka ciyaaraha iyo anshaxa wanaagsan intaba.

Maadaama uu Haaland yahay da’yar aan xaas lahayn, waxa uu wariyaha su’aasha weydiinayey illoobay inuu xataa si dadban oo uu meelo kale uga soo wareegay u su’aalo haddii uu baadhiyeyn doono oo uu tumasho samayn doono marka uu garoonka ka baxo.

Taas beddelkeeda waxa uu wariyuhu si toos ah u weydiiyey: “Caawa ma kalidaa ayaa seexan doona?”

Su’aashan layaabka lahayd ee doqoniimada ay ku tilmaameen khubaradii BT Sports ee Istuudiyaha fadhiday ayuu Haaland kaga jawaabay: “Een… Haa.”

Wariyaha ayaan intaas kaga hadhin, waxaanu mar kale weydiiyey: “Miyaadan saaxiibaddaa usii qaadanayn guriga isla haddaba, saddexlay baanad dhalinin miyaa?”

Erling Haaland ayaa mar kale layaab ay ku noqotay su’aashan aan meesha oollin, waxaana uu daymooday dhinacyada, isaga oo yidhi: “Maya, maan dhalinin. Waa intaas uun hadalku. Mahadsanid.”

Jamie Carragher iyo Micah Richards oo telefsihanka  BT Sports istuudiyihiisa fadhiyey ayay iyagana layaab ku noqotay.

Carragher oo hadalka ku horreeyey ayaa yidhi: “Yaa Ilaahi, waxaan u maleeyayba in dhamaanteen shaqada la inaga caydhiyey!”

Richards ayaa isaguna yidhi: “Anigu wax fikir ah kama haysto halka ay taasi (su’aashaasi) ku socoto.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More