Xiddiggii Ugu Qaalisanaa Chelsea Xagaagii Oo Korona Fayras

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Chelsea ee Kai Haverts ayaa laga helay xanuunka Korona Fayras ka hor intii aanay bilaabmin ciyaartii Blues iyo Rennes.

Tababare Frank Lamaprd ayaa warbaahinta u sheegay in sababta uu Havertz ugu soo dari waayey ciyaartoydiisa ay tahay inuu ku dhacay Korona Fayras oo ay ka dhex saareen xiddigaha kale ee Chelsea, isla markaana uu gelayo karantiil.

Kubbad-sameeyaha reer Germany oo ah laacibka labaad ee ugu qaalisan Chelsea isla markaana ay £70 milyan oo Gini kagala soo wareegeen Bayern Leverkusen xagaagii ayaa waxa kale oo uu seegi doonaa kulanka Blues ay Sabtida la ballansan tahay Sheffield United iyo saddexda ciyaarood ee xulka qaranka Germany ee usbuuca iyo badhka soo socda dhici doona.

Laacibkan oo toban ciyaarood oo uu Blues u saftay dhaliyey afar gool, saddex kalena caawiye ka noqday ayaa waxa uu tababare Lampard u yahay xubin muhiim ah oo haysta boos joogto ah.

Lampard oo telefishanka BT Sports makarafoonka hor qabtay ka hor intii aanay bilaabmin ciyaarta Rennes, ayaa yidhi: “Waxa laga helay COVID-19, waxaanu ka dhex baxay ciyaartoyda kooxda, haddana wuxuu gelayaa karantiil isagoo raacaya tilmaamaha dhakhaatiirta.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More