Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

RASMI: Tartanka Qaramada Yurub Oo Caawa Bilaabmaya Iyo Xogo Ku Saabsan

Tartanka qaramada Yurub ee EURO 2020 oo baaqday sannadkii hore ayaa caawa si rasmi ah u bilaabmaya waxaana lagu furayaa Talyaaniga oo ku jira dalalka magaalooyinkooda lagu ciyaarayo iyo Turkey oo iska soo xaadiriyey magaalada Rome ee ay ciyaartani ka dhacayso.Tartankan ayaa ka duwan kuwii hore ee lagu yaqaanay in hal waddan ama laba dal ay wada-jir u martigeliyaan, waxaana lagu ciyaarayaa 11 magaalo oo 11 waddan oo kala duwan ku yaalla.Magaalada Rome ayaa nasiib u yeelatay in lagu furo ciyaarahan, laakiin waxa iyaduna…

Madaxweyne Macron Oo Maanta Hadlay: “Benzema Waxa Ku Dayda Carruurta

Madaxweynaha waddanka Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa maanta booqday xarunta tababarka ay ku qaadanayaan ciyaartoyda dalkaas ee Clairefontaine, halkaas oo ay iskugu diyaarinayaan tartanka qaramada Yurub ee Jimcaha bilaabmaya.Gellinkii dambe ayuu Khamiista ayuu Emmanuel Macron u tegay ciayartoyda oo tababarka qaadanaya si uu ugu dhiirigeliyo inay guul ka keenaan Euro, isagoo gacan-qaaday Karim Benzema oo uu waqtiyada qaarkood warbaahinta ka eedeeyey intii ay socotay dacwaddii laacibkan lagaga caydhiyey xulka…

RASMI: Premier League Oo Xaqiijiyey In La Joojiyey Adeegsiga Go’aamada

Premier League ayaa shaaciyey in ay isbeddel ku sameeyeen isticmaalka VAR, gaar ahaan go’aamadii muranka ugu badan dhaliyey xilli ciyaareedkan, kuwaas oo sababay in la diido goolal gadood abuuray.Xilli ciyaareedkii hore, taageereyaasha iyo sidoo kale ciyaartoyda ayay layaab ku noqotay in la diiday goolal offside ah ama kubbado gacanta kaga dhacay ciyaartooyo, laakiin aan daliil cad loo haynin.Garsooreyaasha oo adeegsanaya VAR, ayaa waxay cabbir saareen ciyaartooyo aan waxba kala horreynin si ay u go’aamiyaan offside,…

Mushaharka Ciyaaryahanadda PSG Oo Lasoo Bandhigay Kaddib Heshiiskii

Kooxda reer France ee PSG ayaa maanta shaacisay inay heshiis saddex sannadood ah la gaadhay xiddiga khadka dhexe ee reer Netherlands ee Georginio Wijnaldum oo si bilaash ah ugaga soo wareegay Liverpool, kaddib shan sannadood oo uu joogay Anfield.Georginio Wijnaldum oo mar qarka u saarnaa Barcelona ayay PSG ka hor-qaadday, kaddib markii loo bandhigay mushahar laban-laab ka badan midka ay kooxda reer Spain u ballan-qaaday.Sida uu qoray wargeyska De Telegraaf ee kasoo baxa waddanka Holland, Wijnaldum ayaa sannadkii mushahar…

Wax Ka Baro Sharciyada Euro 2020 – Imisa Kaadh Oo Huruud/Jaale Ah Ayaa

Jimcaha berri ayuu bilaabmayaa tartanka qaramada Yurub ee Euro ee sannadkii hore baaqday, waxaana lagu furayaa ciyaar adag oo u dhaxayn doonta Talyaaniga iyo Turkey oo ku kulmaya magaalada Rome.Hal ciyaar oo kaliya ayaa dhacaysa Jimcaha, waxaase Sabtida la raacinayaa kulanka kale ee ka hadhay Group A ee Wales vs Switzerland oo ay isku hormo yihiin labada waddan ee sare iyo Group B oo ay ku wada jiraan Denmark vs Finland & Belgium vs Russia.Kulamada hore ee Group-yada ayaa waxay soconayaan muddo 12 maalmood ah oo ka…

Frank Lampard Oo Helay Shaqadii Ugu Horreysay Tan Iyo Markii Laga

Tababarihii hore ee Chelsea ee Frank Lampard ayaa helay shaqadii ugu horreysay tan iyo markii laga caydhiyey kooxdiisii hore ee Chelsea bishii January ee sannadkan.Halyeyga Chelsea ayaanu magaciisu ka bixin warbaahinta usbuucyadii ugu dambeeyey, waxaana lala xidhiidhinayay dhawr kooxood oo horyaalka Premier League ka dhisan inuu midkood tababare u noqon doono, laakiin midkoodna wax war ah oo kasoo kordhay ma jiro.Maalinta Axadda ee toddobaadkan foodda inagu soo haya, Frank Lampard ayay taageereyaashu arki doonaan isagoo…

MEEL KU QORO: Waqtiga La Shaacinayo Isku-aadka Horyaalka Premier

Xumaddii horyaalka waddanka Ingiriiska ee xilli ciyaareedka dambe ayaa durba la dareemayaa toddobaadyo kaddib markii lasoo afjaray xilli ciyaareedkii hore ee 2020-21, waxaanay taageereyaashu sugayaan isku-aadka iyo taariikhaha muhiimka ah ee  sannadka dambe.Horyaalka oo xilli ciyaareedkii dhamaaday ay hantiday Manchester City kaddib 15 ciyaarood oo xidhiidh ah oo ay guuleysatay laga soo bilaabo bishii December, taas oo keentay inay jidka  kusii jiidho Liverpool oo iyaduna waqtigaas bilowday inay hoos usoo gurato,…

Real Madrid Oo U Guureysa Garoonka Atletico Madrid Ee Wanda

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ka guureysa garoonkeeda Alfredo Di Stafano ee ay muddada sannadka ah ku ciyaaraysay, waxaanay hoy ka dhiganaysaa Wanda Metropolitano oo ay wadaagi doonaan Atletico Madrid.Real Madrid ayaa waxa wali socda dhismaha garoonkeeda Estadio Santiago Bernabeu oo dib uga dhacay waqtigii la filayay in la dhamaystiro, waxaanay muddada ka hadhsay dhismihiisa ay marti usii ahaanaysaa Atletico Madrid oo ay isku magaalo ka dhisan yihiin.Santiago Bernabeu oo dhisme ka socdoHoryaalka waddanka Spain ee…

RASMI: Ganaaxii SANNADKA Ahaa Ee Goolhayaha Xulka Cameroon & Ajax Ee

Goolhayaha xulka qaranka Cameroon iyo Ajax ee Andre Onana ayaa lasoo gaabiyey kaddib rafcaan uu u gudbisay maxkamadda garsoorka khilaafkaadka ciyaaraha ee CAS.25 jirkan ayaa bishii February lagu xukumay inuu 12 bilood ka maqnaado guud ahaan ciyaaraha iyadoo lagu eedeeyey in uu isticmaalay daawooyin mamnuuc ah oo ciyaartoyda ka caawiya inay yeeshaan awood dheeraad ah, balse Onana ayaa ku dooday in kiniin ay saaxiibaddii isticmaalaysay uu ku qaldamay isagoo moodayay xanuun baabi’iye xilli uu gurigiisa ku sugnaa.Ganaaxaas oo ay…

Waa Kuma Xiddiga Wacdaraha Ku Dhigay Man City Ee Heshiis Kordhin Uu

Khadka dhexe ee kooxda Manchester City ee Ilkay Gundogan ayaa lagu soo warramayaa inuu hakad geliyay heshiis kordhin uu u sameeyo kooxda Barcelona isaga oo ka warsugaya haddii ay xoojinayaan xiisaha ay u muujinayaan.Gundogan ayaa kusoo raaxaystay xilli ciyaareedkii ugu fiicnaa waayihiisa ciyaareed isaga oo murashax u ahaa ku guuleysiga xiddiga sanadka ee Premier League ee PFA isaga oo Premier League iyo Carabao Cup lasoo qaaday Sky Blues.Man City ayaa doonaysa inay heshiis cusub oo wakhti dheer ah ka saxeexato Gundogan balse…