“Mbappe Wuxuu Joogayaa PSG, Waligayo Ma Iibin Doono, Bilaashna Kuma

Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee Nasser Al-Khelaifi ayaa ka hadlay mustaqbalka weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe oo la sheegayo in ay suurtogal tahay in uu xagaagan ka tago, laakiin Nasser Al-Khelaifi ayaa tilmaamay in aanu sinaba ku bixi doonin xiddigan oo uu sii joogi doono caasimadda Faransiiska.

Qandaraaska Kylian Mbappe uu kula jiro PSG ayaa ku eg June 2022, taas oo ka dhigan in kaliya hal sano uu sii joogayo haddii aanu saxeexin heshiis kale, laakiin Real Madrid ayaa lala sii xidhiidhinayaa suuqa hadda furmay, waxaanay Los Blancos isku dayaysaa in xiddigan ay ka dhigato weeraryahankeeda hoggaaminaya safkeeda sannadaha soo socda.

Nasser Al-Khelaifi oo waraysi siiyey wargeyska L’Equie ee kasoo baxa waddanka Faransiiska arrimo badan oo kubadda cagta iyo kooxdiisa ku saabsan ka hadlay, waxaananu warbixintan kaliya kusoo qaadaynaa wixii uu ka yidhi Mbappe.

Isagoo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyey xanta suuqa ku jirta  ee sheegaysa in uu Kylian Mbappe ka tegayo kooxda, waxa uu Nasser Al-Khelaifi yidhi: “Waxan caddaynayaa halka aanu taaganahay. Waligayo ma iibin doono, waligiina kuma  tegi doono si xor ah. Mbappe wuxuu Paris ku haystaa wax walba oo uu u baahan yahay.

“Halkee ayuu tegi karaa? Koox sidee ah, marka laga eego damaciisa, miyey la tartami kartaa PSG maanta?”

Intaas kaddib waxa uu Nasser Al-Khelaifi ka hadlay haddii kooxdiisu ay wada-hadallo la bilowday Kylian Mbappe, waxaanu yidhi: “Waxa aan idiin sheegi karayaa in wax walba si fiican u socdaan, waxaanan rajaynayaa in aanu gaadhi doono heshiis {in Mbappe uu qandaraaska kordhin doono}. Tani waa Paris, kani waa waddankiisii. Wuxuu leeyahay hadaf aan kaliya ahayn inuu kubadda ciyaaaro, laakiin inuu sare usoo qaado Ligue 1, dalkiisa iyo caasimaddiisa.”