Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Waakan Saxeexa Koowaad Ee Uu Xavi Usii Qorshaystay Barcelona Isla

Halyeeyga kooxda Barcelona ahna macalinka haatan ee kooxda Al Sadd ee Xavi Hernandez ayaa la xusayaa inuu jiro ciyaaryahan uu bar-tilmaameed kasii dhigtay marka uu noqdo tababaraha cusub ee kooxdiisii hore.Ciyaaryahanka bar-tilmaameedka usii ah Xavi ayaa lagu sheegay inuu yahay garabka weerar ee kooxda Bayern Munich iyo xulka qaranka France ee Kingsley Coman.Barcelona ayaa dhawaan go’aansatay inay tababaraha kooxdeeda usii dayso xilli ciyaareed kale Ronald Koeman walow uu wakhti adag lasoo qaatay.Barca ayaa booska saddexaad…

YAAB: Gary Neville Oo Shaqsiga Ay Jamaahiirta England Eeda Ugu Badan

Xiddigii hore ee xulka qaranka England iyo kooxda Manchester United ee Gary Neville ayaa tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ku sifeeyay hantida ugu weyn ee uu haysto xulkaasi.England ayaa shalay guul 1-0 ah ku furtay tartanka Euro 2020 iyaga oo gool ay ka heleen Raheem Sterling kaga adkaaday Croatia oo ahaa xulkii ka reebay koobka aduunka saddex sano kahor.Southgate ayaa kulankaas ka sameeyay wicitaano layaab leh sida inuu daafaca bidix u adeegsaday Kieran Trippier isaga oo haysta daafacyo bidix oo fiican,…

NOLOL CUSUB: Waakan Tababaraha Cusub Ee Tottenham Heshay Maalmo Kaddib

Kooxda Tottenham ayaa u muuqata mid heshay tababaraha cusub ee kooxdeeda kaddib markii ay in mudo ah suuqa ugu jirtay bedelka macalin Jose Mourinho oo ay bilo kahor shaqada ka caydhisay.Mourinho ayaa la wareegay kooxda AS Roma oo uu si rasmi ah u qabsanayo bilawga xilli ciyaareedka dambe halka ay Spurs sii magacaabeen xiddigoodii hore ee Ryan Mason oo kumeel gaadh usii hayay.Tababaraha cusub ee Spurs ayaa ah Paulo Fonseca oo ah ninka uu Jose Mourinho ka bedelay isla Roma waxaana cajiib ah inuu markiisa kooxda ree London ka…

“Wali Ma Su’aalihii Xumaa Baad I Weydiinaysaa?” – Zidane Oo Ku

Tababarahii hore ee kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa cadho kula qarxay saxafi ree Spain ah oo markale wax ka weydiiyay wakhtigiisii kooxda caasimada oo uu dhawaan iskaga tagay.Zidane oo 48 sano jir ah ayaa markii labaad sanado gudaheed iskaga tagay Los Blancos kaddib markii ay kooxdu soo qaadatay xilli ciyaareed aysan wax koob ah hanan.Zidane ayaa dhawaan soo saaray waraaq furan oo uu kaga hadlayay sababihii uu kaga tagay Real Madrid isaga oo ku dooday inuu haystay taageerada xiddigihiisa balse uusan haysan…

AKHRISO Hadaladii Ugu Horreeyay Ee Kasoo Yeedhay Christian Eriksen Tan

Kubad sameeyaha xulka qaranka Denmark iyo kooxda Inter Milan ee Christian Eriksen ayaa soo saaray warbixintii ugu horreysay ee uu dadka la wadaagayo tan iyo markii uu wadne xanuun dartii u dhacay kulankii furitaanka xulkiisa ee Euro 2020.Eriksen ayaa u baahday in mudo 13 daqiiqo ah garoonka dhexdiisa lagula tacaalo qalabka PCR kaddib markii uu dhulka ku dhacay wax yar kahor wakhtigii nasashada iyadoo intaas kaddib dhakhtarka loo qaaday isaga oo xaalad degenaansho ah ku jira.Eriksen ayaa taageerayaasha uga mahad celiyay…

Chelsea Oo Qasnaddeeda U Furtay Xiddigan, Arsenal Oo Iibinaysa Leno,

Liecester City ayaa hoggaanka u qabatay tartanka ay kooxaha Premier League ugu jiraan xiddiga reer Brazil ee Philippe Coutinho oo 29 jir ah. Wada-hadallo ayaa u dhexeeya labada kooxood ee Leicester City iyo Barcelona, waxaana la sheegayaa in qiimaha laacibkan uu yahay £17 milyan oo Gini oo kaliya oo ay Foxes bixin doonto. Waxa kale oo miiska saaran in qaab amaah ah ay ku qaadato. (Mundo Deportivo)Real Madrid ayaa heshiis cusub u bandhigtay kabtankeeda Sergio Ramos oo 35 jir ah. Los Blancos ayaa ka baqaysa inuu ka tago…

Philippe Coutinho Oo Kusii Jeeda Koox Premier League Oo Aanad Rumaysan

Xiddiga reer Brazil ee Philippe Coutinho ayay kooxdiisa Barcelona isku dayaysaa in ay iibiso xagaagan oo ay ka hesho lacag ay ku dheelli-tirto xisaabteeda janjeedhku ku jiro ee daynta badan lagu leeyahay.29 jirkan oo sannadkii 2018 ay Barcelona kasoo iibsatay Liverpool, illaa haddana ah xiddiga ugu qaalisan taariikhda kooxdaas, ayaa waxa uu xilli ciyaareedkii ugu dambeeyey qaybo badan oo ka mid ah ku qaatay dhaawac, halka uu midkii kasii horreeyeyna amaah ugu maqnaa Bayern Munich.Madaxweyne Joan Laporta ayaa Coutinho ku…

Ciyaaryahanadda Xulka Qaranka England Oo Wadne Xanuun Laga Baadhay Kaddib

Ciyaaryahanadda xulka qaranka England ayaa dhamaantood lagu sameeyey baadhitaan lagu hubinayo wadnahooda maalintii shalay kaddib markii uu Sabtidii wadne xanuun kusoo booday xiddiga reer Denmark ee Christian Eriksen oo garoonka dhexdiisa ku dhacay isagoo koomo ku jiray in muddo ah, laakiin waqti dambe kasoo baxay miyir la’aanta.Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ayaa amar ku bixiyey in dhamaan ciyaartoyda lagu sameeyo baadhitaan kaddib markii ay soo dhamaatay ciyaartii ay shalay 1-0 kaga badiyeen Croatia.FA waxa uu…

Carlo Ancelotti Oo Dalbaday Xiddig Laf-dhabar U Ah Chelsea & Qorshaha

Tababaraha cusub ee Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa dalbaday in kooxdu ka shaqayso sidii ay ula soo saxeexan lahayd xiddig ka tirsan Chelsea oo uu u arko inuu wax badan kusoo kordhin doono haddii uu yimaaddo Santiago Bernabeu.Real Madrid ayaa lacag la’aan ka cabanaysa, laakiin haddana kama maqnaanayso suuqa iibka ee xagaagan, sababtoo ah xilli ciyaareedkii hore ayay koobab la’aan ku dhamaysteen, waxaanay u baahan yihiin inay iska xoojiyaan dhawr boos.Carlo Ancelotti oo beddelay Zinedine Zidane ayaa dib usoo celiyey…

Miyaad Aragtay Jose Mourinho Oo Ooyaya? – Akhriso Dareenka Qiirada Leh

Jose Mourinho ayaa ilmada xajisan waayay oo oohin miciinsaday laba jeer, waxaana u dambaysay shalay oo uu la murugooday argagaxii uu ka qaaday markii uu Christian Eriksen ku dhacay garoonka dhexdiisa, iyadoo uu kusoo booday wadne xanuun aan lagu ogeyn.Tababaraha reer Portugal ee aan lagu aqoonin jixin-jixa ayaa ka adkaysan kari waayey Eriksen, waxaanu ilmada shalaqsday isagoo toos u daawanayey sidii ay wax u dhaceen, si la mid ah dad badan oo kale.Laacibkan ayaa garoonka dhexdiisa ku galay koomo, waxaana muddo xaalkiisa lala…