Farxada Ugu Weyn Ee Suuqa Ee Man United Iyo Chelsea Oo Isku Xidhan &

0

Kooxaha Chelsea iyo Manchester United ayaa u muuqda kuwo ay isku xidhmeen rabitaanadooda suuqa xagaaga ee sanadkani iyaga oo bar-tilmaameedyadooda ugu waaweyni yihiin Jadon Sancho iyo Erling Haaland.

Labadaas xiddig oo labaduba qayb ka ah Borussia Dortmund ayaa ah kuwo ay si isku mid ah u doonayaan kooxaha Premier League.

Aan ku bilawnee Man United ayaa doonaysa saxeexa Sancho iyaga oo daba socday ilaa sanadkii hore ee 2020 walow ay wakhtigaas ku fashilmeen inay heshiis buuxa la gaadhaan.

United ayaa markale xagaagan soo min guurisay xiisaha ay u qabto Sancho balse wali ma jiro wax dalab ah oo rasmi ah oo ay u gudbisay Dortmund oo 80 Milyan oo pound ku doonaysa iibkiisa.

Dhinaca kale Chelsea ayaa dhawaan soo xoojisay rabitaanka saxeexa Haaland iyaga oo doonaya inay sameeyaan waxkasta oo macquul ah si ay suuqan u helaan halkii ay sugi lahaayeen inta qiimihiisu soo jabayo sanadka dambe ee kooxo badani damcayaan.

Haddaba, sida uu iskugu xidhan yahay qorshaha suuqa ee Red Devils iyo Blues ayaa ah in Dortmund aysan doonayn inay labadaba hal mar wada iibiso taas oo ka dhigan in kooxda bar-tilmaameedkeeda lahor saxeexataa ay ta kale seejin doonto ciyaaryahanka ay rabto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More