Maxay Ahayd Arrintii Ku Saabsanayd Sergio Aguero Ee Guardiola U

Pep Guardiola ayaa sii sagootiyey Sergio Aguero isagoo ilmaynaya, waxaana uu sheegay inuu ka tegayo xiddig aanay waligood heli doonin beddelkiisa, iyadoo uu waliba laacibkanna tegay kooxdii Pep Guardiola uu tababarenimada kasoo unkay ee uu ciyaartoygana ka ahaa Barcelona.

Sergio Aguero ayuu aabbihii sheegay, in oohintii Pep Guardiola ay ahayd ‘ilmada yaxaaska’ oo uu been la ooyey, xilli ay suuqa ku jirto in tababare Pep Guardiola uu ku qasbay Aguero inuu ka tago kooxda oo aanu kordhin qandaraaskiisa.

Guardiola ayaa beeniyey warkaas, waxaana uu farriin u diray Ronald Koeman isagoo yidhi: “Ronald Koeman, waxa uu sameeyey saxeex heersare ah oo uu la galay Kun {Aguero}, waa dhaliye wanaagsan, wiil aad u fiican, waa ciyaartoy dahab ah oo aad u maskax badan, sida aan ugu sharraxay Ronald, waxay sameeyeen saxeex wanaagsan.”

Pep Guardiola oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Mallorca ee waddanka Spain oo uu fasax ku joogo, ayaa waxa kale oo uu si dadban uga jawaabayey eedayntii uga timid aabbaha dhalay Aguero ee Leonel del Castillo.

Kaddib oohintii Guardiola ee bixitaanka Sergio Aguero, Del Castilo ayaa yidhi: “Waxa jira waxyaabo ka dhaca kubadda cagta marka aanad doonayn in qof uu sii joogo kooxda ee ay tahay inaad beddesho naadiyadaada.

“Pep Guardiola waligii marnaba ma doonayn Sergio Aguero.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More