I Ciyaarsii Ama Iska Kay Fasax!! – Xiddig Arsenal Ah Oo Runta U

Xiddiga boosaska badan ka ciyaari kara ee Ainsley Maitland Niles ayaa lagu soo warramayaa inuu go’aankiisa la wadaagay tababaraha kooxdiisa Arsenal ee Mikel Arteta.

Maitland-Niles ayaa amaah loogu diray West Bromwich Albion qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore balse awoodi waayay inuu kasoo caawiyo Baggies inay horyaalka baaqi ku ahaadaan.

Maitland-Niles oo wakhtigaas loo arkayay mid dheeri ku ah baahida Arsenal ayaa xagaaga kusoo laabanaya Arsenal isaga oo dhawaan qirtay inuusan wax war ah ka helin tababare Arteta iyo agaasimaha farsamada kooxda ee Edu.

23 sano jirkaas oo uu tababare Mikel Arteta in badan u adeegsaday booska daafaca midig balse isagu doorbida inuu khadka dhexe gaar ahaan doorka No.8 ka ciyaaro ayaa qirtay inuu wakhtigiisii kooxdu soo dhammaan karo.

Maitland-Niles ayaa yidhi “Way ii sheegi karaan haddii ay hayaan qorshayaal ay igu ciyaarsiinayaan mustaqbalka ama haddii ay doonayaan inay i iibiyaan, waxaan maqlay inay doonayaan inay meelo ka baneeyaan safka kooxda iyo lacag sidaas darteed ma hubo”

“Waxaan doonayaa go’aan, waxaan doonayaa war cad kaddib waxaan ku rajo weynahay inaan la shaqeeyo qofkasta oo aan u baahdo inaan la shaqeeyo, haddii ay tahay koox cusub iyo haddii ay tahay sii wadista tababarkaygaba”

Xiddiga ree England ayaa ahaa mid ay saxeexiisa doonayeen kooxo badani xagaagii 2020 waxaana kamid ahaa Wolves, Newcastle United iyo Brighton.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More