Wararkii U Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaaryahanadda Ee Maanta Oo Arbaco Ah Oo

Tababarihii hore ee Wolves ee Nuno Espirito Santo ayaa qarka u saaran in loo magacaabo macallinka Crystal Palace. (Telegraph)

Manchester United ayuu haystaa walaac isasoo-taraya oo ku saabsan xiddigeeda khadka dhexe ee Pauul Pogba oo si bilaash ah kaga tegi karaya xagaaga dambe. United ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxeexdo Pogba laakiin 28 jirkan ayaan wali ogolaanin. Real Madrid, Juventus, Barcelona iyo Paris St-Germain ayaa dhamaantood doonaya Pogba. (ESPN)

Atletico Madrid ayaa u bandhigtay Manchester City qorshe ay ku kala beddelanayaan labadooda xiddig ee Saul Niguez iyo Bernardo Silva oo 26 jirro ah. (Times)

Liverpool ayaa dalab £25.8 milyan oo Gini ah ka gudbisay kabtanka Roma ee Lorenzo Pellegrini oo khadka dhexe uga ciyaara Talyaaniga. 24 jirkan ayay Reds doonaysaa inuu u beddelo Georginio Wijnaldum oo si xor ah uga tegay. (COrriere dello Sport)

Arsenal ayaa shaacisay qiimaha ay ku iibinayso difaaca midig ee reer Spain ee Hector Bellerin oo ay doonayso Altetico Madrid. 26 jirkan ayey Arsenal sheegtay in £20 milyan oo Gini uu yahay qiimihiisu. Atletico ayaa laacibkan u doonaysa beddelka Kieran Trippier oo lala xidhiidhinayo Manchester United. (CBS Sport)

Juventus ayaa sidoo kale doonaysa Hector Bellerin, waxaanay diyaar u tahay, in Arsenal ay siiso Aaron Ramsey oo uu dib ugu noqdo Emirates Stadium. (Aport)

Liverpool ayaa muujinaysa xiisaha ay u hayso laacibka khadka dhexe uga ciyaara FC Porto ee Fabio Vieira, kaddib markii 21 jirkan loo magacaabay xiddigii ugu fiicnaa tartanka qaramada Yurub ee 21 jirrada, inkasta oo Portugal ay ku guul-darraysatay finalkii oo Jarmalku ka qaaday koobka Axaddii. (UOL Esporte)

Weeraryahanka Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland oo 20 jir ah, waxa uu doonayaa inuu ku biiro Chelsea, laakiin qorshihiisa ayaa ah inuu sannad kale sii joogo Dortmund ka hor inta aanu u dhaqaaqin London. (Telegraph)

Weeraryahanka Liverpool iyo xulka Japan ee Takumi Minamino ayaa la sheegayaa inuu dib ugu laabanayo Southampton oo uu xilli ciyaareedkii hore amaah ku joogay. 26 jirkan ayaa uu tababare Ralph Hasenhuttl doonayaa inuu sii haysto. (HampshireLive)

Arsenal waxay wada-hadallo la bilowday Wolves oo ay ka doonayso 24 jirka reer Portugal ee khadka dhexe ee Ruben Neves, kaas oo ay Gunners u doonayso inuu u beddelo Granit Xhaka oo u dhow inuu ku biiro Roma. (Goal)

Bayern Munich ayaa soo cusboonaysiisay damacii kaga jiray garabka weerarka Chelsea ee Callum Hudson-Odoi, waxaanay wararku sheegayaan in Blues ay diyaar u tahay inay iibiso 20 jirkan. (Times)

Xiddiga khadka dhexe ee reer Spain ee Dani Ceballos oo 24 jir ah ayaa dib ugu laabanaya kooxdiisa Real Madrid oo uu u ciyaari doono xilli-ciyaareedka dambe, kaddib sannad amaah ahaa oo uu ku qaatay Arsenal. (Cadena SER)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More